Baro 12 cabitaan oo dabiici ah oo sare u qaada hammada ragga & Dumarka

0

(Hadalsame) O6 Nof 2023 – Jirka bani-aadamkuu wuxuu maraa isbedello kala duwan oo la socda da’da, sidaas si la mid ah awoodda galmo ee qofkana waxaaa ku dhaca isbedello. Ragga waxaa soo wajihi kara cillada Kacsi la’aanta ee loo yaqaanno “Erectile dysfunction” oo ah cillad timaada marka ninka uu heli waayo kacsi amaba uusan xaji karin kacsi ku haboon galmo, halka dumarkana ay isku arki karaan ferjiga oo qallala, taas oo saamayn ku yeelan karta nolosha galmada.

Firfircoonida la’aanta galmada ama qofka oo aan si wacan u gudan Karin howsha galmada waxay ku keeni kartaa kalsooni darro. Haddii adiga iyo lammanahaagu aad tihiin kuwa aan jir ahaan firfircoonayn islamarkaana aan si fiican iskugu qancin karin kulanka gogosha waxaa la joogaa xilligii aad sare qaadi u lahaydeen awooddiinna galmada. Waa inaad raacdaan hab nololeed caafimaad leh oo ay ku jiraan cabitaannada dabiiciga ah ee sare u qaada awoodda galmada, jirkana tamarta siiya.

Hadaba qormadaan oo aan ka xiganay shabakadda Bold Sky ee arrimaha caafimaadka wax ka qorta waxay soo bandhigaysaa cabbitaano dabiici ah oo la hubo inay kordhiyaan hammiga kacsiga iyo awoodda galmada. Ka faaidaysi wacan:

Cabitaanka Rummaanka

Rummaanku wuxuu ugu horreeyaa miraha uroon awood siinta ragga. Rummaanku waxaa ku badan maadooyin sunsaarista ee hagaajiya qulqul dhiigga islamarkaana daaweeya kacsi la’aanta ragga. Cabitaanka miraha rummaanka wuxuu si dabiici ah u kobciyaa awoodda galmada.

Cabitaanka qaraha

Qaruhu wuxuu qani ku yahay aasidhka amino ee lagu magacaabo “L-citrulline” kaas oo xoojiya kacsiga. Cabitaanka qaraha wuxuu hagaajiya qulqulka dhiigga ee xubnaha taranka taas oo caawisa kor qaadista kacsiga.

Cabitaanka dacarta

Cilmibaaris la sameeyay ayaa lagu arkay in cabitaanka dacartu uu sare u qaado soo saarista hormoonka “testosterone” kaas oo kordhiya kacsiga iyo tamarta galmada ee ragga. Dacarta waxaa ku jira nafaqo kala duwan uu wanaagsan caafimaadka, jirkana tamar geliya.

Cabitaanka tufaaxa

Cabitaanka tufaaxa waxaa lagu yaqaanna inuu kordhiyo awoodda galmada maadamaa ay ku badan tahay maadada sunsaarista ee loo yaqaanno “quercetin”. Cabitaanka tufaaxa oo aad maalin kasta cabtaa waxay kaa caawinaysaa inaad ku wanaagsanaato kulanka gogosha.

Cabitaanka sanjabiisha

Cabitaanka sanjabiishu wuxuu hagaajiyaa caafimaadka xididada dhiigga wuxuuna kordhiyaa qulqulka dhiigga ee jirka. Sidoo kale, wuxuu daaweyaa kacsi la’aanta iyo biyo baxa deg dega ah sidaas darteed wuxuu hagaajiyaa waxqabadka galmada.

Malab iyo caano

Malabka waxaa ku jira macdano iyo nafaqooyin muhiim u ah awoodda jinsiga, wuxuu kordhiyaa dareenka, wuxuuna xoojiyaa kacsiga, wuxuuna qofka siiyaa awood jireed.. Caanaha iyo malabka la isku daro waxay kobciyaan rabitaanka galmada. Sidoo kale caanaha waxaa lagaa helaa dhammaan nafaqadii uu jirku u baahnaa taas oo qofka siinaya tamar deg deg ah.

Cabitaanka mooska

Moosku wuxuu hagaajiya tamarta galmada iyo kacsiga sababtoo ah waxaa ku jira dheecaan burburiye la yiraahdo “bromelain”. Waxaa kaloo mooska laga helaa fitaamiinno iyo macaadin qofka siinaya awood iyo tamar, sidoo kalena ka qayb qaadanaya soo saarista hormoonadda galmada.

Kafeega

Kafeega waxaa lagu yaqaannaa inuu kordhiyo hammiga kacsiga, maadada caffeine ee ku jirtana waxaa laga helaa tamar galmo iyo awood.

Cabitaanka baytaraafka

Cabitaanka baytaraafka waxaa ku jira maadada “nitrate” taas oo jirka ku kordhisa maado kale oo loo yaqaanno “nitric oxide” taas oo ka qayb qaadata wanaajinta howsha galmada ee ragga.

Cabitaanka koostada

Koostada waxaa ku badan maadada “arginine” oo muhiim u ah xaga raganimada waxayna jirka ku kordhisaa maadada “nitric oxide”, taas oo ballaarisa xididada arooriyaasha ee xubinta ragga si qulqulka ugu bato sidaasna ay awood ku yeelato.

Cabitaanka shukulaatada madow

Shukulataada madow waxaa ku jira maado lagu magacaabo “theobromine” oo sare u qaada hamiga kacsiga iyo tamarta galmada.

Caanaha lawska

Caanaha lawska almonds-ka waa il wanaagsan oo laga helo dufanno iyo macaadano muhiim u ah soo saarista hormoonnada ragga. Sidoo kale, caanahani waxay u fiican yihiin kobcinta rabitaanka galmada ee dumarka.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media