Dal laba askari oo Shabaab ka cabsaday fuleynimo darteed ugu maxkamadaynaya gudaha Muqdiso

0

(Hadalsame) O4 Nof 2023 – Millateriga Uganda ayaa Khamiistii sheegay in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay si hordhac ah Muqdisho uga billowday dhageysiga dacwad loo haysto laba ka mid ah saraakiisha sare ee ciidamadooda.

Saraakiishaan ayaa lagu eedeeyay “fulaynimo” kadib weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee kooxda Al -Shabaab ay ku qaadeen ciidamada Uganda ee qeybt ka ah howalgalka ku meel gaarka ee nabad ilaalint Midowga Afrika ee Soomaliya bishii May ee sanadkaan ka dhacay Magaalada Buulamareer.

Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Ugand Sarreeye Guuto Robert Mugabe ayaa dhagaystay dacwad lagu soo oogay labada sargaal ee kala ah Jenaraal Steven Oluka iyo Jenraal Zadock Obor, kuwaas oo ahaa taliyayaal ka kala tirsan laba saldhig oo ciidamada Ugand ku lahaayeen koonfurta Soomaaliya.

Waxaa loo heystaa dacwada la xariirta ” fuleynimo” kadib weerar Al Shabaab ay ku dileen 54 ka tirsan Ciidamada Ugand ee ku suganaa Salidhigoodii Magaaladda Bulalamareere ee gobalka Shabeelaha Hoose, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay taliska guud ee ciidanka militariga dalka Uganda.

askar ka tirsan ciidanka Howgalka Atmis ee ku sugan Soomaaliya
askar ka tirsan ciidanka Howgalka ATMIS ee ku sugan Soomaaliya

War saxaafadeedka ay soo saareen ciidanka Uganda ayaa lagu sheegay in labadaan sargaal aysan ku dhiirigelin saraakiisha ciidamada iyo askarta ka amar qaata inay si geesinimo leh u dagaalamaan markii ay la kulmeen weerar kaga yimid al Shabaab, 26-kii bishii May.

Afar kale oo saraakiil xigeen ah ayaa sidoo kale lagu maxkamadeynayaa inay ku guuldareysteen inay ilaaliyaan agabka dagaalka ee ciidanka, taasoo ka soo horjeeda sharciga ciidamada Uganda (UPDF), ayaa lagu yiri bayaanka.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Ugand oo dhaqan ahaan kiiska ku dhagaysta halka ay ku taal oo ah xafada Makindye oo ka tirsan caasimadda Kampala, balse waxaa ay mararka qaar dacwadaha ay ku qaada halka ciidanka uu ka howalgalo.

Sarreeye Guuto Robert Mugabe Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Uganda ayaa sheegay in dhamaadka dhagaysiga Maxkamada go’aan ay soo saari doonto.

“Dhammaadka fadhiyada maxkamadda, kuwa lagu helo dambiga waxaa lagu xukumi doonaa xukunno ku habboon, kuwa lagu waayana waa la sii dayn doonaa.”ayuu yir Robert Mugabe.

Maxkamadda
Maxkamadda

Ilaa iyo 54 askari oo ka tirsan ciidanka Uganda ayaa la dilay kadib markii ururka al Shabaab ay cagta mariyeen saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo ku yaalla Magalladda Buulo Mareer oo qiyaastii 120 KM dhanka koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Afhayeenka ciidanka difaac Uganda, Felix Kulayigye ayaa sheegay weerarkii Bulalamareer kadib in dowladdiisu ay baaritaan ku sameyn doonto weerarkii ciidankeed lagu qaaday .

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo waqtigaasi ka hadlay weerarka xerada ciidankiisa ee Bulalmareer ayaa daboolka ka qaaday in qaar ka mid ah askarta aysan sifiican u dagaalamin, isla markaana ay “argagaxeen,” taasina ay keentay, in al-Shabaab ay ka faa’ideystaan oo ay saldhiga la wareegaaan, isla markaana ay burburiyaan qalabkii yaallay.

“Argagaxu gebi ahaanba ma ahayeen mid loo baahnaa, ciidankeenu waxay burburiyeen saddex baabuur oo walxaha qarxa ah laga soo buuxiyay ka hor inta a aysan gudaha u gelin saldhigga,” ayuu yiri madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo Muqdisho lagu maxkamaddaynayo askar ka tirsan ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaliya. 12-kii bishii November ee sanadkii 2021 kii, shan ka mid ah askarta Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu helay dambi ah inay dileen 7 qof oo rayid ah, iyadoo labo ka mid ah askarta lagu xukumay dil, halka saddexda kalena lagu xukumay 39 sano oo xarig ah, sida xilligaas lagu sheegay qoraal kasoo baxay howgalka ATMIS.

BBC

Hadalsame Media