(Roma) O3 Nof 2023 – Waxaa jira “daal badan” oo ka jira dagaalka Ukraine, waddamada EU-duna waxa ay dhowaan ku heshiin doonaan in arrintan lagu xalliyo xeer-jajab, sida ay sheegtay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ee Giorgia Meloni oo ay khaldeen Ruush prank samaynayey.
Vovan iyo Lexus, oo inta badan siyaasiyiinta ka boollaysta, ayaa Arbacadii daabacay muuqaalka wada sheekeysigooda Meloni, kaasoo la sheegay in la duubay bishii Sebtembar, iyagoo iska dhigay siyaasi Afrikaan ah oo aan la magacaabin.
Iyadoo ka hadlaysa khilaafka Ukraine, hoggaamiyaha Talyaanigu waxay u sheegtay labada nin: “Waxaan arkaa inuu jiro daal badan, haddii aan runta sheego, dhinacyada oo dhan. Waxaan ku dhownahay xilliga qof walba uu fahmi kari lahaa inaan u baahan nahay waddo colaaddan looga baxo.”
“Dhibaatada ayaa ah in la helo waddo ay ku aqbali karaan labada dhinacba, iyadoo aan la jebin sharciga caalamiga ah,” ayay Meloni ku dartay.
Wada hadalkoodu wuxuu sidoo kale taabtay amniga tamarta Yurub iyo sida horumarinta wax soo saarka tamarta Afrika ay arrintan wax uga karto. “Waxaan maraynaa xilli aynaan hadda kaddib maarayn karin oo aan aad u daahnay.” ayay tiri Meloni oo muujisay inay Yurub ku tashanayso shidaalka Afrika.
Vovan iyo Lexus, oo magacyadooda dhabta ahi ay yihiin Vladimir Kuznetsov iyo Aleksey Stolyarov, ayaa sannado badan ka boollaysanayey siyaasiyiinta iyagoo samaynaya wicitaanno been abuur ah oo ay ku bartilmaameedsanayaan.
Labada nin ayaa inta badan siyaasiyiinta ka yeersiiya inay sheegaan waxyaabo laga yaabo inayan rabin inay dadka u sheegaan.
Hadalsame Media