SAHAN: Dadka Ruushku yay la safan yihiin Israel & Falastiin (Natiijo yaab leh)

0

(Moscow) O2 Nof 2023 – Inta badan Ruushku ma taageersana dhinac gaar ah oo ka mid ah colaadda ay isku hayaan Israel iyo Falastiin waloow ay jirto tiro kala taageersan dhinacyada, sida ra’yi ururin la daabacay Talaadadii ay muujisay.

Sida ku cad sahan ay samaysay 1,500 oo qof intii u dhaxaysay Oktoobar 13 iyo Oktoobar 15 ee ay samaysay hay’adda ra’yi-ururinta FOM ee fadhigeedu yahay magaalada Moscow, 73% dadkii la waraystay waxay sheegeen in dareenkooda shakhsi ahaaneed aanu labada dhinac midna la safnayn, halka 10% ay sheegeen inay taageersan yihiin Falastiiniyiinta, 9% ay sheegeen inay la jiraan Israa’iil.

Si kastaba ha ahaatee, ku dhowaad 40%, ayaa ka jawaabi waayey waxa ay aaminsan yihiin inay tahay sababta keentay sii hurista colaadaha gobolka Bariga Dhexe.

Ku dhowaad tiro le’eg oo ka mid ah dadka ra’yi ururinta lagu sameeyey ayaase sababta ku eedeeyey Israa’iil (5%) iyo kooxda falastiiniyiinta ah ee Xamaas (3%), halka 12% ay ku doodeen in reer Galbeedku ay mas’uul ka yihiin dhiigga daadanaya, 10% waxay ku tilmaameen qalalaasaha mid “isku dhac dhuleed ah.”

Sahanka waxa kale oo lagu ogaadey in badi (65%) dadka Ruushku aanay fiiro gaar ah siinin colaaddan ama aanay haba yaraatee laba socon.

Hadalsame Media