RW hore ee Boris Johnson oo dad gaar ah ogolaa inay ku ”le’daan” musiibadii cudurka Covid-19 (Sir hadda soo baxday)

0

(London) O2 Nof 2023 – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Boqortooyada Midowday (UK) Boris Johnson ayaa wuxuu ahaa mid aqbalsanaa in fayruskii Covid-19 uu laayo dadka waawayn, isagoo ku tilmaamay “qaab dabiiciga ah oo loola dhaqmo dadka da’da ah,” baaritaan ku saabsan sida Downing Street wax uga qabatay masiibadan ayaa lagu dhegeystey.

Dhageysiga oo qayb ka ah baaritaanka Dowladda ee Covid-19, ayaa lagusoo bandhigay qoraallada la-taliyaha sare ee sayniska Johnson, Patrick Vallance, uu la wadaagey, kuwaasoo lagu faahfaahiyey waxa kaaliyuhu u arkayey inuu yahay “sida ay uga dheganayd” Johnson in dadka da’da ahi ay aqbalaan khatarta fayruskan dilaaga ah.

Qoraallada, oo ku taariikhaysan Agoosto 2020, ayaa sheegaya ra’yiga Vallance ee ahaa in Johnson uu doonayey inuu u ogolaado “in dhallinyaradu ay nolosha sii wataan oo ay dhaqaalaha caawiyaan” mar ay xog is dhaafsanayeen.

Vallance wuxuu intaa ku daray: “[Johnson] wuxuu sheegay in xisbigiisu “uu u malaynayo in Covid-ku uu yahay dariiqa dabiiciga ah ee lagu laayo dadka da’da ah, gebi ahaanba ma hubo inaan taa ku khilaafsan ahay iyaga.”

Baaristan oo madax bannaan ayaa ku saabsan sidii ay London ula tacaashey cudurka Covid-19.

Hadalsame Media