Itoobiya oo xustay 3 sababood oo ay u doonayso deked ay leedahay & Masar oo ay sheegtay inay saldhig ku leedahay Somalia (Hanjabaado & Khariidad cusub)

0

(Addis Ababa) 27 Okt 2023 – Khudbad 45 daqiiqo ah oo beri dhowayd laga sii daayey TV-ga oo uu u jeediyey sharci dejiyayaasha Itoobiya, islamarkaana u muuqata inay tahay markii ugu horreeysey ee uu si cad uga hadlo arrinta Badda Cas iyo xitaa Badwaynta Hindiya, ayuu RW Abiy Axmed ku sheegay in helitaanka dekedi ay tahay arrin jirta oo Itoobiya u taal, ayna tahay in Itoobiyaanku ugu yaraan bilaabaan ka hadalka Badda Cas. Halkan ka aqri asliga…

Arrintan ayuu markale shalay soo hadal qaaday isagoo ku dooday in Itoobiya aanay weligeed dal kale kusoo duulin, danaheedana aanay ku cayrsan doonin dagaal, sida uu sheegay Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed, isagoo ka hadlayey walaaca ka dhashay codsigiisii ahaa in Addis Ababa ay deked ka hesho Badda Cas. Halkan ka aqri maqaalka….

“Waxaa jirta cabsi laga qabo in Itoobiya ay duullaan qaaddo kaddib dalabkeennii xoogganaa ee dhowaanahan ee ahaa in la galaangal loo helo badda,” ayuu Abiy ku yiri khudbad uu u jeediyey kumannaan askari oo lasoo rigeeyey maalinta Ciidammada Qaranka ee 116-aad ee dalkaas, Khamiistii.

Haatan maqaal Op-ed ah oo lagu xarriiqay warbaahinta DF Itoobiya ayaa arrintan markale lagu faaqiday iyadoo lagu muujiyey rabitaanka cad ee Itoobiya iyo sida ay uga go’an tahay inay xoog iyo xeeladba ku hesho deked ay iyadu leedahay, sida ka muuqato qoraalka.

Qoraalka oo lagu xusay inay jiraan dalal deriska ah oo aqbalsan rabitaanka Itoobiya iyo qaar diiddan, waloow aan la magac dhabin ayaa waxaa lagu sheegay inay rabitaanka Itoobiya riixayaan 3 sababood oo waawayn oo ay midiba is fasirayso oo kala ah:

a) Adeegsiga deked kale oo qaali ku noqotay Itoobiya, taasoo muujinaysa inay doonayso deked iyo dhul-badeed ay qaadato.

b) Qorshaha Itoobiya ee ah inay noqoto dal dhaqaale ahaan kobca oo uu dakhligiisu gaaro meel dhexaad, taasoo u baahan fursad wax dhoofineed oo ballaaran.

c) Qorshe siyaasad-dhuleed (geopolitics), taasoo ah qorshe ballaaran oo ay dabcan ku jirto inay cudud cusub oo dhanka badda ah noqoto, iyadoo durba ciidan dhisatay.

Marka laga soo tago 3-daa micne ee aan qoraalka kasoo saaray, sidaan u arko, waxaa inta kale lagu qoray hanjabaad iyo caga-juglayn cad oo loogu gooddinayo dalalka deriska ah iyo waxa dhici doona haddii aan la aqbalin ”codsiga RW Cabbeey”, iyo woxoogaa madax salaax ah oo lagu sheegayo in si nabdoon wax lagu raadin doono marka hore.

Waxaa kale oo xitaa ku jira sawir la socda qoraalka oo lagu muujinayo saldhigyada ciidamada shisheeye ee jooga dalalka deriska iyadoo ay dooddu tahay ”sababta dalalkaa loogu ogolaaday balse loogu diidayo Itoobiya”, balse waxaa kale oo ku jirta in dalka Somalia lagu sawiray inay Masar saldhig ciidan ku leedahay, taasoo loo adeegsanayo marmarsiinyo cusub, waloow aanu jirin saldhig rasmi ah oo ay Masar haatan Somalia ku leedahay.

Ethiopia’s Quest for Sea Access: A Proposal for an Unfair Advantage or a Call for a Win-Win Situation?

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media