(Tel Aviv) 27 Okt 2023 – Taliyihii hore ee Ciidamada Israel ayaa sheegay inuu taageersan yahay fikradda xil ka qaadista Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu inta lagu guda jiro dagaalka haatan ka socda Gaza iyo magacaabista Ra’iisul Wasaare kale, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu.
Taliyihii hore ee Ciidanka Israel, Jen. Dan Halutz, ayaa u sheegay Raadiyaha Ciidanka IDF inuu taageersan yahay in la helo qof kale oo “hoggaamiya Israel xilliga dagaalka”.
“Dagaal marka lagu jiro, waxaan dalban karnaa xisaabtan,” ayuu yiri Halutz, isaga oo Netanyahu ku eedaynaya mas’uuliyadda hoggaaminta Israel iyo wixii uu falat sannadihii lasoo dhaafay ilaa xaaladda hadda jirta.
Waxa uu sidoo kale muujiyey sida uu u taageersan yahay in maxaabiista Israel ee ku jira gacanta kooxda Xamaas ee Gaza lagu beddelo maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku jira xabsiyada Israel.
“Way u qalantaa qiimahaas,” ayuu yiri, isagoo xusay “in lagu beddeley (hal askari) Gilad Shalit, 1,027 maxbuus la sii daayey. 220 qof oo la qafaashayna, ay xisaabtu noqonayso in loosii daayo 200,000 oo Falastiini ah.”
Halutz, oo ahaa taliyaha ciidanka intii lagu jirey dagaalkii labaad ee Lubnaan ee 2006 ee ay Israel foodda gelin waydey, wuxuu carabka ku adkeeyey: Waxaan soo jeedinayaa in si dhab ah loo eego arrintan.
Waxa uu sidoo kale ka digey in weerar dhulka ah lagu qaado Gaza kahor inta aan la sii daynin maxaabiista laga qabsaday Israel.
RW ayaa horayba u wajahayey mudaaharaadyo ka dhiidhiyey in wax laga bedelo xeerarka dalka, balse wuxuu fursad ka dhiganayey duqaymaha Gaza.
Hadalsame Media