ISKA JIR! Jarmanka oo go’aaminaya in dhalashada dalkaasi laga ceshado qofkii lagu arko arrintan…

0

(Berlin) 27 Okt 2023 – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jarmanka, Nancy Faeser, ayaa sheegtay inay ka fikirayaan soo saarista sharci ka imanaya baarlamaanka kaasoo dadka lagu helo inay ku kaceen falal nacayb Yuhuudeed ah lagaga mamnuucayo inay qaataan jinsiyadda Jarmanka.

“Sharciga cusub ee qabyada ah ee jinsiyaddu, kaasoo uu hadda ka doodi doono baarlamanka Bundestag, ayaa si cad meesha uga saaraya dadka Yuhuudda neceb,” ayay tiri Faeser kaddib markii ay la kulantay Safiirka Israa’iil ee Jarmanka, Ron Prosor.

Faeser waxa ay intaa ku dartay in mas’uuliyiintu ay “si aad ah uga feejigan yihiin” halisaha ka iman kara taageerayaasha kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ee Jarmanka iyo in qof kasta oo lagu helo inuu ku xadgudbey xeerarkan oo kale “lala tiigsan doono sharciga, weliba si buuxda”.

Faallada Faeser ayaa daba socota hadal ay Jimcihii isla iyadu sheegtay markaasoo ay ku baaqday taageerayaasha Xamaas in laga masaafuriyo Jarmanka.

Hadalsame Media