”Waxaan arkay dad inta xoog lagu qabsaday lagu yiri isma difaaci kartaan” – Jilaa Hollywood-ka caan ka ah oo runta ka sheegay qaddiyadda Falastiin

0

(Chicago, Il) 18 Okt 2023 – Xiddigga Hollywood ee John Cusack ayaa ku biiray bannaanbaxa taageersan Falastiin ee Chicago, isagoo soo dhigay inuusan maqlin heeso cunsuri ah ama faallooyin nacayb ah, kaliya wuxuu ku baaqayaa xorriyad iyo nabad.

“Waxaan maqlay dad wadaagaya xogo shakhsi ahaaneed ee xubnaha qoyska ee xabsiga loo taxaabay, la dhibaateeyey, la silciyey, la beegsaday ama la dilay qarniyaal ka badan.

”Xubnaha qoyska ee ay sabab la’aan loogu isticmaalay sunta ilmada waxayna sii wadaan sheeko taas la mid ah oo ku saabsan nolosha dadka la qabsaday: dhallinyaro rag ah, haween iyo carruur kuwaas oo qoysaskoodii oo dhan la baabi’iyey, kuwaas oo hadda keligood caraysan, la bahdilay lana duudsiyey xuquuqdii aasaasiga ahayd ee aadanaha,” ayuu raaciyey.

”Waxay yimaadeen meesl ay ka jeclaan lahaayeen inay ku dhintaan iyagoo dagaal ku jira intii ay xabsiga ku jiri lahaayeen ama lagu dili lahaa – iyadoo la og yahay haddii aad isku daydo inaad difaacdo naftaada ama qoyskaaga – in lagugu horraanba calaamadiyey inaad tahay argagixiso – waa sida ay halkaasi tahay e,” ayuu soo qoray.

“Shacabka Falastiiniyiintu ma waydiisan xasuuq – way garanayaan awoodda millateri ee kuwa qabsaday.” ayuu kusoo af-jaray.

Hadalsame Media