MW Maraykanka oo kelmad xeeladaysan u adeegsadey cambaaraynta duqaynta isbitaalka Gaza (Yax yax diblomaasiyadeed oo ku dhacay)

0

(Washington, DC) 18 Okt 2023 – Safarka MW Joe Biden ee xulafada ugu dhow Washington ee Bariga Dhexe ayaa la qorsheeyey kahor duqaynta isbitaalka Al-Ahli ee Talaadadii isagoo saacado kaddib kusoo wajahan Tel Aviv, waana booqasho heersare ah oo ku beegantay iyadoo Israa’iil ay sii waddo inay garaacdo Gaza kahor weerar dhulka ah oo soo socda.

Laakiin weerarka Israa’iil ee isbitaalka ayaa durbaba cawaaqib diblomaasiyadeed u yeeshay Biden. Jordan, oo ay ahayd inay martigeliso Biden kulan uu la yeelanayo Boqorka dalkaas, Boqor Cabdallaha II, Madaxwaynaha Masar ee Abdel Fattah el-Sisi iyo Madaxwaynaha Maamulka Falastiin ee Maxamuud Cabbaas, ayaa la kansalay.

Biden hadda kaddib laguma soo dhowaynayo Cammaan, taasoo ah yax yax diblomaasiyadeed oo ku habsatey.

MW Biden ayaa sidoo kale ku khasbanaaday inuu cambaareeyo weerarka ay Israel ku qaadday isbitaalka oo ay ku dhinteen dad ka badan 500 oo qofood, balse marna magaceeda sooma hadal qaadin.

”Waxaan aad uga xumahay oo aan aad uga xumahay ”qaraxii” ka dhacay isbitaalka Al Ahli Carab ee Gaza, iyo khasaaraha ba’an ee nafeed ee ka dhashay,” ayuu ku bilaabay Biden oo adeegsadey kelmadda ”qarax”, balse aan sheegin ”duqayn”.

”Islamarkii aan maqlay warkan, waxaan la hadlay Boqor Cabdallaha Labaad ee Jordan, iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee Netanyahu, waxaanan faray kooxdayda amniga qaranka inay sii wadaan ururinta macluumaad ku saabsan waxa dhab ahaantii dhacay,” ayuu ku daray.

”Maraykanku wuxuu si aan leexleexad lahayn ugu taagan yahay ilaalinta nolosha rayidka ah inta lagu jiro iskahorimaadyada, waxaanan u barooranaynaa bukaannada, shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa kale ee aan waxba galabsan ee lagu diley ama lagu dhaawacay masiibadan.” ayuu kusoo afjaray qoraal uu soo dhigay X.

Si kastaba, kelmadda ”qarax” ee uu adeegsadey ayaa albaabka u furaysa sheegashadii Israel ee ahayd in kooxda Islamic Jihad ay isbitaalka ku dhufatay gantaal ay meel kale u waddey, taasoo si dadban u taageeraysa inkiraadda ciidanka IDF.

Hadalsame Media