BRICS oo markii ugu horreeysey la sheegay inay dhaqaale ahaan ”dhaafeen” kuwa G7

0

(Moscow) 18 Okt 2023 – Waddamada BRICS ayaa markii ugu horreeysey ka sare maray dalalka G7 marka la eego saamiga awoodda wax iibsiga (PPP) ee dadkooda, sida uu Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin sheegay mar uu waraysi siiyey China Media Group.

“Marka laga hadlayo BRICS, waqtigii shirkii Johannesburg [bishii Agoosto], saamiga dhaqaalaha wadamada G7 iyo wadamada BRICS ayaa horayba ugu liicsanaa dhanka BRICS marka la eego awoodda wax iibsiga (purchasing power),” ayuu yiri Putin.

BRICS waxay hadda ka kooban tahay Brazil, Russia, India, China, iyo South Africa, laakiin kooxda waxaa ku biiri doona bisha Janaayo Argentina, Masar, Ethiopia, Iran, Saudi Arabia, iyo Imaaraatka.

Naadiga G7 ee wadamada wershadaha ku horumaray iyo kuwa kale ee sidooda u horumaray waxay ka kooban yihiin USA, Canada, UK, France, Italy, Germany, iyo Japan.

Hadalsame Media