(Gaza) 18 Okt 2023 – Dabayaaqadii qarnigii sagaal iyo tobnaan, iyo horraanta kii labaatanaad waxaa yurub iyo Ameerika ku faafay dhaqanka u dalxiis tegida ‘tuulooyinka aan dhabta ahayn’ ee laga dhex sameeyo dalalkaas reer galbeedka.
Waa xaafado soocon oo la isugu keenay dad laga soo qaaday Africa iyo meelo ka mid ah Aasiya, oo la yiri halkaas ka dhista guryo ku eg kuwii aad uga nooleydeen miyiga dhulkiinna, una dhaqma oo u noolaa sida caadiga ah ee aad u dhaqmi jirteen. Ujeedku waxa uu ahaa in dadka reer Yurub usoo dalxiis tegaan xeryahaas, oo ay kor ka daawadaan dad ka dhaqan iyo midab duwan, oo socda, oo dhaqmaya. Sababtu wax kale ma ahayn, laakiin waxaa adkeyd in dalxiiseyaasha reer Yurub u safraan Afrika. Markaas, waxay lacag ku bixin jireen inay daawadaan dadkan ay shirkadaha gaarka loo leeyahay soo ururiyeen, oo dalalkooga loogu keenay.
Boqol, lix iyo toban sano kahor waxaa mid ka mid ah xeryahaas oo loogu yeeji jiray ‘Somali Village’ ama Tuulada Soomaalida oo ku taalay Jamhuuriyadda Ireland lagu xareeyay koox Soomaali ah, oo isugu jiray rag iyo dumar, waayeel iyo carruur. Xeradaas, oo ilaa iyo hadda ka mid ah meelaha ugu caansan gudaha Ireland ee Afrika la xiriiriyo, waxaa maalin walba isoo dalxiis tegi jiray dadka Irishka ah iyo kuwa kale ee ka yimid dalalka kalee Yurub ee aan awoodi karin inay Afrika u dalxiis tegaan. Lacag ayay na ku bixin jireen daawashada dadkaas.
Halkee laga keenay Soomaalida loo daawasho tegi jiray ee xerada Ireland?

Tuulada Soomaalida waxay ku taal magaalda Dublin oo caasimad u ah Jamhuuriyadda Ireland, oo muddo dheer colaad gaamurtay kala dhexeysa Boqortooyadda Ingiriiska oo xilligaas ka telin jirtay dhulkaas. Soomaalida halkan la keenay boqol iyo dhowr iyo tobanka sano kahor waxa ay qeyb ka ahaayeen Bandhiga Caalamiga ah ee 1907dii oo lagu qabtay goob u dhexeysa labada deegaan ee ugu hodonsan caasimadda ee ku yaal Dublin, ee Ballsbridge iyo Donnybrook, sida lagu sheegay buugga The Great White Fair oo lagu turjumi karo ‘Bandhiga Wayn ee Caddaanka’.
Kooxdan waxay ahayd dadkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee yimaada Ireland iyo Dublin ba, oo xilligaas ahayd caasimadda labaad ee boqortooyadda Ingiriiska oo gumeysan jirtay dhulka Soomaalida. Hadda se, waxaa ku nool Ireland kumanaan Soomaali ah oo badidood halkaas tegay soddonkii sanno ee ugu dambeeyay.
Sida lagu faahfaahiyay buugga ‘The Biggest Show in Town – Bandhiga Ugu Weyn Magaalada’ ee la daabacay 2007dii, dadka Soomaalida ah ee tuuladaas ku xareysnaa waxaa laga keenay dhulka la isku yiraa ‘Waqooyiga Soomaaliya’ oo xilligaas la oran jiray British Somaliland maadaama uu gacanta ku hayay guumeysiga Ingiriiska. Waa dhulka hadda Somaliland la yiraa ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanideeda.
“Dadkaas waxay isugu jireen waayeel, dumar, carruur iyo dhallinyaro ayay isugu jireen,” ayuu yiri Da’uud Gilingil, oo ah Guddoomiyaha Xarunta Soomaalida ee Ireland islamarkaas na ururiya taariikhda Soomaalida ee dalkaas. Inta la og yahay, waxaa Soomaalida halkaas geysay shirkad gaar loo leeyahay oo loo malaynayo inay heshiis la gashay dadkaas, laakiin ma cadda iyo wax badan lagama hayo inay dadkaas xornimo iyo doonis ay u madaxbanaan yihiin u joogeyn halkaas iyo in kale. “Dadkaas waxay wateen udub iyo dhigihoodii, qalabkooda, iyo dhammaan wixii dhaqankooda iyo agab ah,” ayuu yiri Da’uud. Waxay Soomaalidu halkaas ka dhisteen aqal Soomaali, iyaga oo sidoo kale soo bandhigay ciyaaraha dhaqanka mudada ay halkaas joogeen.

Dhismaha xaafad dhan oo ku teedsan xeebta Dublin, aagga Tuulada Soomaalida, ayaa laga ikhtiraacay habka aqalka Soomaaliga lagu soo bandhigay carwadii 1907dii. Xaafadaas waxaa la yiraa Howth’s Carrickbrack Road, oo sidoo kale caan ku ah Tuulada Soomaalida. Guriga Soomaalida ee tuuladan ku yaal waxaa lagu sheegay in uu ka dhisan yahay koobka ugu wanaagsan ee ku teedsan harada Dublin, iyada oo si fudud looga arki karo daaqadaha dhammaan guryaha ku teedsan haradan. Waa meel guryaheedu aad u qiimo sareeyaan. Guri la deris ah oo ka kooban lix qol waxaa sanado kahor lagu baayacay lacag ka badan hal milyan iyo saddex boqol oo kun oo dólar, sida lagu baahiyay wargeyska Ireland kasoo baxa ee Irish Times.
Bandhigaas Soomaalidu qeybta ka ahayd waa mid ka mid ah kuwii carwooyinkii ugu saameynta weyn, uguna balaarnaa ee dalkaas lagu qabto xilligaas. Lix bil oo uu socday bandhigaas waxaa usoo dalxiis tegay dad ka badan saddex milyan oo qof. Bandhiga Soomaalida waxaa uu ahaa kii ugu faa’iidada badnaa dhammaan carwada, iyada oo laga helay lacag qiimaheedu maanta u dhigmo labo milyan oo dólar, sida uu baahiyay Wargeyska Irish Independent.
Laakiin wax badan oo ka mid ah taariikhda dadkaas iyo dhacdadaas ayaanan maanta meel na lagu sheegin, taas oo ah arrin walaac leh, sida uu qabo Da’uud. “Wax badan laga ma oga shirkada keyntan dadkan iyo nooca heshiis,” ayuu yiri Da’uud. Waxaa xitaa meelna lagu sheegin diiwaanka shirkadaas oo laga heli lahaa magacyada dadkaas, tiradooda iyo deegaankii rasmiga ahaa ee ay ka yimaadeen.
Laakiin waxa uu BBC u sheegay inay hadda arrinkaas ku wadaan daraasad ay ku doonayaan inay uga gungaaraan sheekada Soomaalidii boqol, toban iyo lix sano kahor joogtay Dublin, magacyadooda, qoysaskooda iyo halka ay ku dambeeyeen. Waxay dadaal weyn ugu jiraan inay helaan diiwaanka shirkadii dadkan keyntay Ireland, oo bilow fiican u noqon karta wax badan laga ogaado Soomaalidii Dublin ee boqol iyo dhowr iyo tobanka sano kahor.
BBC
Hadalsame Media