Sababta DUUFAANTA Maraykanka magac dumar loo siiyo & Dood arrintaa ka dhalatay (Sabab macquul ah)

0

(Hadalsame) 13 Okt 2023 – Yaa bixiya magacyada loo bixiyo Duufaannada ku dhufta dalka Mareykanka?

Shan sano ka hor waxa ay duufaanno roobab wata ku dhufteen qaybo ka mid ah dalka Mareykanka, waxaana durbadiiba loo bixiyay duufaantii Harvey, waxaa xigtay laba duufaan oo kale iyagana loo bixiyay Duufaantii Irma iyo Maria.

Haddaba xaggeey ka yimaadeen magacyadani, yaase bixiya?

Waagii hore musiibooyinka Mareykanka waxaa loogu magac dari jiray xilliga ay dheceen ama magaallada/gobolka ay ku dhufteen, sida Duufaantii 1983-kii, ama Duufaantii Florida.

Sanadkii 1953-kii ayaa hay’adda Saadaasha hawada Mareykanku ay bilaabeen in ay magacyo u bixiyaan duufaanta, waxaana ay ku bilaabeen magacyo dumar ah, maaddaama erayga ‘duufaan’ uu yahay eray dheddig ah.

Yeelkeede, ururrada u dooda xuquuqda haweenka ayaa arrintaasi ka hor yimid, waxaana kaddib sanadkii 1979-kii laanta Saadaasha Hawada Mareykanku ay isku dheeli tirtay magac bixinta iyadoo bilowday adeegsiga magacyada ragga.

Magacyadan Dabeylaha iyo musiibada loo bixinayo ayaa ku socda xuruufta Hingaadda, iyadoo balaayadii timaaddaba xarafkeeda lagu hagaajinayo.

W; D: Amiin Y. Khasaaro

Hadalsame Media