DHAGAXA XAMEETIDA: Maxaa sababa, yaa HALIS ugu jira, sidee se looga hortegi karaa?

0

(Hadalsame) 10 Okt 2023 – Xameetida waa xubin ku taala dhinaca midig ee qaybta sare ee caloosha, waana  xubin sida kiishka oo kale u samesay, shaqadeeda ugu weyna ay tahay kaydinta iyo soo daynta dheecaanka Bayl waqti munaasab ah si dheefshiidka loo fududeeyo. Xameetida waxa ay ku xirantahay beerka iyo xiidmaha yar yar qaab taxane ah kuwaas oo waddo u ah dheecaanka bayl.

Dhagxaantaan ayaa ku sameysma xameetida dhexdeeda, ama dhuunta xameetida ka so baxda. Qiyaastaa dhagxaantaan ayaa noqon kara mid ciida oo kale ah, mid lamid ah ukunta oo kale. Dhagaxa ku sameysma xameetida ayaa noqon kara hal , kuwa badan , amaba mararka qaar waxaa dhacda in ay isugu jiraan dhagaxyo yar yar iyo kuwa weynba. Dhagaxa xameetida ayaa waxaa wehliya xanuun soo bood ah gaar ahaan dhinaca sare ee midigta caloosha, taa oo ay ka dhalatay dhagxaantan oo xiraya marinadii billiary.

Maxaa sababa dhagaxa xameetida

In kastoo ayna jirin sabab gaar ah oo keenta dhagaxa xameetida in uu sameysmo hadana waxaa la’aamin san yahay in isu dheelitir la’aan ku timaada walxaha dheecaanka bayl uu ka sameysan yahay in ay keenan dhagaxa xameetida. Waxaa dhacda in dhagaxa xameetida ay sameysanto hadii dheecaaanka bayl ay ku badantahay maadooyinka qaar sida kolesteroolka, bilirubin, amaba marka cusbada ay ku yartahay dheecaanka. Sida aan loo ogayn waxa sababa dhagaxa xameetida sidaa si la mid eh ayay cilmi baaris yahanada ayna u fahansanayn waxa sababay isu dheelitir la’aanta ku dhacaysa dheecanka bile.

Labada nooc ee dhagxaanta xameetida ee sameysma waxa ay kala yihiin kuwa kolestoroolka iyo kuwa midabka leh. waxaa dhacda in dheecaanka bayl in ay ku adkaadaan xameetida gudaheeda taas oo keenta dhagaxa xameetida ku sameysma, 80% ee dhagaxa xameetida waxa ay ka sameysan yihiin kolesterool, halka 20% ay ka sameysan yihiin cusbada kalshiyamka iyo maada bilirubinka, kuwani waxaa looyaqaanaa dhagxaanta midabka.

  • Dhagaxyada kolesteroolka midabka ay leyihiin  badanaa waa jaalle –cagaar midabkooda , kuwaas oo ay ka sameysmeen dhagxaan kolesterool ah .
  • Dhagxaanta midabka  kaduwan waxa ay ka sameysan yihiin maadada bilurbinka ah midabkooda waa mugdi  oo aan saa u muuqan.

Xameetida waxa ay u baahantahay in ay dheecaanka bayl ay banaanka u soo bixiso si ay shaqadeeda u qabato habsami u socodka shaqadeedana loo ilaaliyo. Waxaa dhacda mararka qaar in ay dheecaanka bile ayna baanka xameetida wada imaan tan oo keenta in dheecaanka uu ku bato xameetida gudaheeda, arinkaan ayaa sababa in dhagaxa xameetida uu sameysmo

Yaa halis ugu jiro?

Inkastoo uu jirkaaga soo saaro kolestarool si dabiici ah, waxaa qaadan kartaa kolestarool kaa badan cunto ahaan. Dhagaxa xameetida waxa ay ku badan tahay in ay ka imaadaan cunooyinka la cuno waxa ay ka kooban yihiin. Dadka halista ugu jiro dhagaxa xameetida waxaa ka mid ah

  • Dadka miisaankooda culus yahay
  • Dadka cuna cunooyinka ay ku badantahay kolestaroolka
  • Dadka qaba xanuunka sonkorowga nooca 2 aad
  • Dumarka
  • Waqtiga uurka
  • Dadka da’da ah gaar ahaan kuwa 60ka iyo kor usii dhaafaya
  • Dadka qoyskeeda qaba amaba laga helay dhagaxa xameetida
  • Dadka isticmaalaya dawooyinka hoos u dhiga kolesteroolka.

Ha hilmaamin in aad dawooyinkaaga qaadatid, aadna ku qaadato waqti , ha joojin dawooyinka aad qaadanaysid  adigoon kala tashan dhaqtarkaaga .

Waa maxay astaamaha?

Waxaa laga yaabaa oo badanaa dhacdo in qofka ayna kasoo muuqan wax astaan ah, xanuunka ayaa ladareemaa marka uu dhagaxa xameetida xiro marinada. Dhaqtarkaaga marka aad soo booqato ayaa laga yaabaa in uu ka arko raajada dhagaxa ama waqti qaliinka caloosha laguugu sameynayo.

Mararka qaar ayaa astaamaha laga yaaba in ay kasoo muuqdaan dadka qaar. Astaamaha soo muuqan kara waxaa ka mid ah

  • Qandho
  • Xanuun lama filaan ah oo soo booda ah oo sii xoogeysanaya midigta sare ee caloosha
  • Cagaarshoow
  • Lalabo ama matag
  • Saxaro sida dhoobado oo kale ah
  • Indhaha ama maqaarka oo midabka jaale kasoo muuqda sida cudurka joondiska

Sidee looga hortagi karaa dhagaxa xameetida:

Xanuunka dhagaxa xameetida waa mid la maaraynkaro oo dhibaatada ku imaan karta qaab nololeedka la xakamayn karo, waxaa adag in laga hortago dhagaxaan sameysmaya. Sida ugu wanaagsan ee lagu yareyn karo amaba hoos loogu dhigi karo in dhagaxaan uu ku sameymo xameetida waxaa ka mid ah

  • Cun cuno dheelitiran oo haka boodin waqtigooda
  • Cab biyo kugu filan adigoo ku dadaalaya in aad qaadato xadi kugu filan
  • Miisaankaaga oo halmar hoos loo rida waxa ay tahay wax yaabaha aad u saacida in dhagaxaan uu samaysmo

Talo:

Ilaali balanta aad la dhigato dhaqtarkaaga oo la socodsii halka ay marayso xaaladada caafimaad. Laxariir goobta caafimaad kuugu dhow amaba la socod sii dhaqtarkaaga hadii aad iska dareemto astaamaha kor ku xusan iyo hadii ay jiraan wax isbadal la xariira qaab nololeedkaaga.

Waxaa laga yaabaa in dawooyinka qaar aad qaadatid ama in aad ka mid tahay dadka halis ugu jira xanuunka, mar walba la socodsii xaaladada iyo isbadalada aad ka doonaysa  dawooyinkaaga dhaqtarkaaga.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media