(Hadalsame) 10 Okt 2023 – Dalalka Reer Galbeedka ayaa u muuqda inay hal mowqif ka wada istaageen weerarka ay Xamaas ku qaadday Israa’iil iyo sidoo kale duqeymaha aar goosiga ah ee ay Israa’iil la beegsatay Qasa.
Hase yeeshee dalalka Islaamka oo si guud taageero furan u muujin jiray Falastiin ayaa si taxaddar leh uga hadlay dagaalka hadda socda ee Israa’iil iyo Xamaas. Mowqifka ay dalalka Islaamku ka istaageen isku dhaca Xamaas iyo Israa’iil ayaa u muuqda midd ay ku kala qaybsan yihiin.
Dhammaan dalalkani waxay u doodaan dal madax bannaan oo Falastiin loo aqoonsado, sidii awalba looga bartay waxay u muuqdaan inay ka dhowrsanayaan dhaleecayn adag oo ay Israa’iil u jeediyaan.
Inta badan dalalka Muslimiinta marka laga reebo Iran, waxay si muuqata uga fogaadeen inay Xamaas la saftaan.
Weerarka Xamaas ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro dedaal lagu doonayo in lagu wanaajiyo xiriirka Israa’iil iyo dalalka Islaamka. Sannadkii 2020kii Israa’iil ayaa laba dal oo kala ah Imaaraatka Carabta iyo Baxrain la saxiixatay heshiis loogu magac daray Ibraahiimiyada si loo dhiso xiriir rasmi ah oo labada dhinac u dhexeeya.

Ururka OIC
Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) oo ah kan ugu weyn ee ay ku mideysan yihiin dalalka Muslimiintu ayaa si ka fiirsasho leh uga falceliyay inta ay dhaleecayn xooggan usoo jeedin lahaayeen Israa’iil.
Waxa uu ururku sheegay inuu ka walaacsan yahay falka ciidamda Israa’iil ee ku sugan dhulka la haysto ee Falastiin. “Waxay dileen boqollaal halka ay tiro badan oo Falastiiniyiin ahna dhaawaceen,”
Ururka OIC ayaa Israel ku dhaleeceeyay joogitaankeeda Qaza isaga oo leh: “Israa’iil waxay ku guul-darraysatay inay dhibaatada ku xalliso aqoonsi caalamiga ah, kororka duullaanka Israa’iil iyo dembiyada maalinlaha ah ee ka dhanka ah shacabka reer Falastiin, waxay dadka halkaas ku nool ka xayuubiyeen dhulkooda iyo madax-bannaanidooda, waa la duudsiyay xuquuqdoodii, waana taas sababta xasilooni darradu halkaas uga jirto.”
Isutagga Imaaraatku wuxuu eedeeyay Xamaas

Imaaraatka Carabta oo isagu xubin muhiim ah ka ah ururka OIC ayaa taas baddelkeeda cambaareyn dusha uga tuuray uruka Xamaas kuna eedeeyay dagaalka hadda socda.
Bayaan ay wasaaradda Arrimaha dibadda ee Imaartaaku soo saaratay ayaa lagu yiri, “isku dhaco wuxuu isu badalay mid aad u daran weerarka Xamaas ee magaalooyinka Israa’iil awgii.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa u muuqatay inay si weyn uga walaacsan tahay Israa’iiliyiinta laga soo daadgureeyey guryahoodii iyo qafaalashada.
Imaaraadku wuxuu sheegay in muwaadiniinta labada dhinac ay helaan ilaalin buuxda marka loo eego shuruucda caalamiga ah. Waa inaan laga dhigin bartilmaameed colaadeed.
Mowqifka dabacsan ee Turkiga?

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Mawqifkii ugu yaabka badnaa ee la qaatay waxa uu ahaa Turkiga. Turkiga oo inta badan afka ka weerara Israa’iil ayaa si taxadar leh uga jawaabay.
Waxa uu walaac ka muujiyay colaadda ka dhex aloosan Israa’iil iyo Xamaas, waxa uuna codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan nabad loogu soo dabaalo deegaankaasi.
Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa lagu yiri: “Labada dhinac midkoodna wax faa’iido ah kama heli doono rabshadaha sii kordhaya, Turkiga wuxuu mar walba diyaar u yahay inuu gacan ka geysto xakameynta xaaladda, arrintan naxdinta leh wuxuu caddeeyay in Israa’iil iyo Falastiin ay yihiin laba dal, dhacdadan ayaa mar kale xaqiijisay muhiimadda uu leeyahay habkan, waxaan ugu baaqaynaa labada dhinac inay ka fogaadaan dariiqa colaadda, ayna ka shaqeeyaan sidii xal waara loo gaari lahaa,” ayuu yiri.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markii dambe soo saaray bayaan uu ku sheegay in la gaaray xilligii la xaqiijin lahaa dowlad madax-bannaan oo juquraafi ahaan ku xiran Falastiin oo ku saleysan xudduudihii 1967-dii. Falastiin oo caasimaddeedu tahay Qudus (Bari).
“Xal dhab ah oo kaliya oo lagu dhammeeyo khilaafka Falastiin iyo Israa’iil ayaa nabad ku soo dabaali kara bariga dhexe,” ayuu yiri Erdogan.
Qatar Maxay tiri?

Qatar oo xubin ka ah OIC, ayaa sidoo kale codsatay in la dejiyo xaaladda, iyadoo sheegtay inay la socoto dagaalka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Israel iyo Xamaas. Gaar ahaan rasaasta ay isweydaarsadeen ciidamada Israel iyo kooxda Xisbullah ee Lubnaan.
“Qatar waxa ay mar kale ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada in aysan xiisadda sii hurin, labada dhinacba waa in ay gabi ahaanba joojiyaan colaadda si meeshaan aysan u gelin qalalaase hor leh oo rabshado waaweyn ka dhalan karaan.
Qatar ayaa sheegtay in ay xiriir la sameyneyso dhinacyada ay khuseyso si ay u taageerto dadaallada caalamiga ah ee lagu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida.
Qatar ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheikh Mohammed bin AbdulRahim bin Jassim Al-Thani ay si joogta ah ula xiriiraan dhiggooda Carabta, ayna isku dayayaan inay xaliyaan dhibaatada.
Malaysiya iyo Indonesia maxay ka dheheen?

Malaysiya ayaa walaac ka muujisay isku dhaca u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Malaysia ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay dhimashada ka dhalatay iskahorimaadyada.
Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Malaysiya ayaa lagu yidhi, “Waa in aan naf dambe la goyn wakhtigan xasaasiga ah, waa in si degdeg ah loo joojiyo burburka, labada dhinacba waa in ay ku dhaqaaqaan nabad iyo is-xakameyn, una gudbaan sidii colaadda loo joojin lahaa.
Si kastaba ha ahaatee, Malaysiya ayaa sidoo kale sheegtay in sababta dhibaatadan ay tahay in la fahmo.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Malaysiya ayaa sheegtay “Dhulka Falastiin waxaa la haystaa muddo dheer, waxa ay wajahayaan go’doomin iyo dhibaatooyin kale, Masjidka Al-Aqsa ayaa la bahdilay, waxaana jirtay siyaasad ah in maamulkiisa la geliyo gacanta Israa’iil.”
Indonesia oo ah dalka ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan caalamka, ayaa sidoo kale walaac ka muujisay colaada gacan ka hadalka ah ee u dhaxeysa Israel iyo Xamaas, waxayna ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo rabshadaha.
Si kastaba ha ahaatee, Indonesia ayaa sidoo kale sheegtay in dhibaatadan ay salka ku hayso qabsashada Israel ee dhulka Falastiin.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Indonesia ayaa ku soo qortay boggeeda X, “Dhibaatada waa in si uun loo xalliyo, dhibaatada ka dhalatay qabsashada Israa’iil ee Falastiin waa in lagu xalliyaa si waafaqsan halbeegyada Qaramada Midoobay. Sinaan looma samayn karo xadgudbe iyo dulmanihiisa,” .
Mowqifka Pakistan oo is baddalay

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Mowqifka Pakistan ee arrintan ayaa u muuqda mid iska badadalay sidii markii hore.
Horaan, kamaysan hor imaan weerarka Xamaas mana taageerin aargudashada Israa’iil, balse hadda wasaaradda arrimaha dibadda ee Pakistan waxay si cad u taageertay Falastiin.
Balse hadda wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa si cad u taageertay Falastiin.
“Pakistan waxay u taagan tahay taageerada Falastiin waxayna ku baaqaysaa in la joojiyo rabshadaha iyo xadgudubyada ay geysanayaan ciidamada gumeysiga Israel” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska arrimaha dibadda.
“Pakistan waxay mar walba u ololeyn jirtay mabda’a xalka laba dal, Pakistan waxay sheegtay in tani ay nabad ka dhalin karto Bariga Dhexe. Kaliya in xal cadaalad ah oo dhameystiran loo helo dhibaatada Falastiin si waafaqsan sharciga caalamiga ah ayaa halkan ku soo celin karta nabad waarta,” ayey tiri Wasaaradda Arrrimaha Dibadda ee Pakistan.
Bangladesh, Maldives waxay sheegeen in Falastiin ay hesho xuquuqdeeda

Bangladesh ayaa sidoo kale cadaysay mowqifkeeda iyadoo soo saartay bayaan ku saabsan Israel iyo Falastiin.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Bangladesh ayaa bayaankeeda ku sheegtay “Waxaan aaminsannahay in aysan jirin cid ka faa’iidaysa colaaddan, waxaanu ugu baaqaynaa labada dhinacba inay is xakameeyaan oo ay si degdeg ah u joojiyaan colaadda. qabsashada Falastiin ma horseedi karto nabad, sidaas darteed, Bangladesh waxay taageertaa siyaasadda ‘laba dal’, “ayaa lagu yiri. Bayaanka ay Bangladesh soo saartay
Madaxweynaha la doortay ee Maldives Mohamed Moizu ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku baaqay in la qaado qabsashada Israel ee Falastiin.
“Israa’iil waa in ay si deg deg ah uga qaadaa qabsashada sharci darada ah ee ay ku hayso Falastiin, isla markaana waa in ay sidoo kale dib ugu soo celisaa dhulkii ay qabsatay ee Falastiin, Israel waa in ay Falastiin u aqoonsato dal madax banaan oo ay ku jirto bariga Quddus, waa in ay Qudus u aragto caasimadda Falastiin. oo ku salaysan xuduudihii 1967kii.
Iran waxay taageertay Xamaas

Weerarkii Xamaas kadib, afhayeenka Xamaas Ghazi Hamad ayaa sheegay in howlgalkani uu taageero ka helayo Iran.
Dhinaca kale, hadalka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran iyo sawirrada dabaal-degga ee ka imaanayay Tehran oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa iyaguna xaqiijiyay.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran Naasir Kenani ayaa sheegay in howlgalka Xamaas uu yahay mid “si kedis ah uga jawaabay kooxda wax iska caabinta iyo falastiiniyiinta la dhibaateeyay. Tani waa tallaabo lagu taageerayo dhaxalka dabiiciga ah ee Falastiiniyiinta”.
Waxa uu sheegay in howlgalka ka dhanka ah Israa’iil uu yahay falcelin dabiici ah oo ay kaga soo horjeedo siyaasadaha Yahuudda ee kor u qaadaysa dagaalka iyo faafinta argagixisada. Gaar ahaan, tani waa fal-celin ka dhan ah siyaasadaha daba-galka ah iyo ka fiirsasho la’aanta ah ee Ra’iisul Wasaarahaas (Netanyahu).
Mawqifkan xukuumadda Iran ayaa sidoo kale laga arkayay warbaahinta Iran, iyadoo ololaha Xamaas ee loogu magac daray ‘Duufaanta Al-Aqsa’ lagu tilmaamay inay dhabar jab weyn ku tahay maamulka Yahuudda. “Yuhuudu waxay isku dayayaan inay naftooda u abuuraan dawlad gaar ah oo ay Yuhuuddu doonayso inay gacanta ku dhigto dhulka falastiiniyiinta sababtoo ah waxay u haystaan ‘goob barakeysan oo Yuhuuddu leedahay'”.
Ka dib markii la weeraray qaybo badan oo ka mid ah Israa’iil, madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas (oo ah siyaasiga ay isku hayaan Xamaas siyaasadda Falastiin) ayaa sheegay in dadka Falastiin ay xaq u leeyihiin “in ay iska difaacaan gumeysiga.”
BBC
Hadalsame Media