XOG: Faransiiska oo kulan qarsoodi ah la yeeshay DF Somalia (Sheey istaraatiji ah oo uu doonayo)

0

(Paris) 26 Sebt 2023 – MW Somalia ee Xasan Sh Maxamuud ayaa ku sugan dalka Jabuuti iyadoo ay halkaa sidoo kale tageen madax kale sida Wasiirka Gaashaandhigga ee Maraykanka, Lloyd Austin.

Yeelkeede, waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya inay kulmeen madax ka kala socota sirdoonka Somalia iyo Faransiiska, xilli la sheegayo in Uranium-ka Somalia oo aan weli lasoo saarini ay soo jiidanayso indhaha caalamka.

Meelaha ugu badan ee laga sheego waxaa ka mid ah aagga degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur oo haatan ay socdaan ololeyaal dagaal oo la doonayo in dib looga xoreeyo kooxda Shabaab.

Maareeyaha Sirdoonka Faransiiska ee Bernard Emié ayaa la sheegayaa inuu Galmudug kulan qarsoodi ah kula yeeshay dhiggiisa Sirdoonka NISA ee Somalia, Mahad Salaad.

Uranium-ka oo ah curiyaha shidaal ahaanta loogu adeegsado tamarta nukliyeerka ayuu Faransiisku aad ugu tiirsan yahay, gaar ahaan dhanka soo saarista korontadiisa oo uu 70% iyada kasoo saaro, waxaana la sheegayaa in Faransiisku doonayo in laga wada faa’iidaysto khayraadka macdantan ee Somalia sida inuu siiyo karti ay ku maarayso, ku kaydiso kuna soo saarto.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu MW Faransiisku Axaddii sheegay inuu dalkiisu gebi ahaanba ka baxayo dalka NIGER oo uu aad ugu tiirsanaa Uranium-tiisa.

Hadalsame Media