Fannaanad caan ah oo mar qura sheegtay inay fanka iskaga hartay + Sababta

0

(Hargaysa) 26 Sebt 2023 – Fanaanadda Najma Nashaad ayaa si halhaleel ah u shaacisay inay fanka iskaga harayso hadda wixii ka dambeeya.

Fanaanadda ayaa barteeda Facebook kusoo qortay sidatan: ”Fan dambe la iguma oga, Ilaahow khaatumada khayr noogu khatin!.”

Warka kasoo yeeray Fanaanadda Najma Nashaad ayaa la fahamsan yahay inay sabab u tahay geeridii faj’ada ahayd ee ku timid Mustafe Saleebaan iyo Liibaan Dahair oo ka mid ahaa bahda Waqal Studio.

Wiilashan dhallinyarada ahaa ayaa shil gaari ku geeriyoodey iyagoo marayey aagga Buurta Sheekh, balse lama hubo inay ka dhabanayso hadalkeeda iyo inuu noqon doono hadal uun ay qiiradii xilligu keentay.

May be an image of 1 person, headscarf and text

Hadalsame Media