Muslimku EEY ma haysan karaa? Mase jiraan xaalado qofka loo ogol yahay inuu eey yeesho?!

0

(Hadalsame) 21 Sebt 2023 – MUSLIMKU EEY MA HAYSAN KARAA? Qofka muslinka ah uma bannaana in uu Eey haysto, in uu eeygaas ugu baahan yahay ugaarsi ama xoolo ama beer ilaalin mooyee.

Bukhaari waxa uu Abuu-Hurayra (RC) ka weriyay: Rasuulka Alle “SCW” waxa uu yiri: (Qofkii Eey haysta camalkiisa waxa maalin kasta ka go’a in Qiiraad la’eg, Eey beer ama xoolo ilaalinaya mooyee).

Muslim isaguna waxa uu Abuu-Hurayra (RC) ka weriyay: (Rasuulka Alle “SCW” waxa uu yiri: (Qofkii Eey hantiya aan ahayn Eey lagu ugaarsanayo ama Eey xoolo ilaalinaya ama Eey dhul ilaalinaya, waxa ajarkiisa maalin kasta ka nusqaama Qiiraad).

Muslim waxa uu Cabdullaahi bin Cumar (RC) ka weriyay: Rasuulka Alle “SCW” waxa uu yiri: (Qofkii Eey yeesha, Eey xoolo ama Eey ugaarsi mooyee, camalkiisa waxa ka jarma Qiiraad maalin kasta).

Ibnu Cabdil-Bar waxa uu yiri: Xadiithkaas waxa ku cad inay bannaan tahay in Eey loo haysto ugaarsi ama xoolo ilaalin, waxana lamid ah beer ilaalinta.

Ibnu-Maaja waxa uu Cali bin Abii-Dhaalib (RC) ka weriyay Nabigu “SCW” in uu yiri: (Malaa’igtu ma gasho guri Eey ama Sawir uu ku jiro). Xadiithku waa saxiix.

Qiiraad: Waa qaddar inta uu la’eg yahay Alle uu garanayo. Waxa loola jeedaa ajarkii uu camalkiisa ka helay qayb kamid ah baa maalin walba ka jarmaysa.

Ma bannaan tahay in Eey loo haysto in uu guri ilaaliyo? Culumadu arrintaas weligoodba waa ay ku kala aragti duwanaayeen. Qaar waxa ay qabaan saddexda wax ee la magacaabay dan aan ahayn Eey looma haysan karo.

Culumo kale waxa ay qabaan saddexdaasi waa uun tusaale, hase yeeshee wixii dan ah oo kale oo lamid ah ama ka ahmiyad badan waa loo haysan karaa, sida in uu guriga ilaaliyo. Waxa sidaas qaba imaam Al-Nawawi markii uu saxiixul Muslim sharxayey.

W; D: Sabriye Muuse, moqokori@gmail.com

Hadalsame Media