QM oo si rasmi ah ugu baaqday in magdhow lacageed la siiyo dalalka Afrika ee la gumaystey

0

(New York) 20Sebt 2023 – Qaramada Midoobey ayaa kula talisay wadamada tilaabooyin kala duwan oo ay ku jiraan magdhow lacageed oo laga bixiyo gumaysiga iyo addoonsiga lagu hayo dadka ka soo jeeda Afrika.

Weli dalalkii gumaysiga taa waa lagu leeyahay, inkasta oo uu dheer yahay waqtiga kasoo wareegtay iyo dhibka laga mudan karo in la bar garto dembiilayaasha iyo dhibanayaasha, sida uu dokumentigu qeexayo.

“Dhibaatooyinka taa laga marayaa saldhig uma noqon karaan baabi’inta jiritaanka waajibaadka sharci ee jira,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres, oo ka hadlay warbixinta la sii daayey Talaadadii shalay.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ummaduhu ay muujiyaan sida ay uga go’an tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka joogtada ah ee addoonsiga.

“Ma jiro dal si buuxda u xisaabiyey wixii la soo dhaafay oo ka hadlay dhaxalkeeda casriga ah” ee si “cunfiga” ah xididdada loogu siibey 25 milyan ilaa 30 milyan oo qof oo Afrikaan ah,” ayay warbixintu sheegtay.

Tobannaan sano, dowladaha Afrika iyo Kariibiyaanka iyo dadka u ololeeya arrintan ayaa waxay ku baaqayeen in lala xisaabtamo addoonsiga iyo gumaysiga dalalkooda.

World powers should consider slavery reparations – UN

Hadalsame Media