Xaawo Cismaan kahor inta qof ee iyaga oo aan la dareensanayn Al Shabaab u shaqaynayey? (Magacyada & Sheekadooda)

0

(Hadalsame) 20 Sebt 2023 – Waxaa kordhaya kiisaska dadka ku eedeysan inay xubin ka yihiin kooxda Al-Shabaab ee dhegeysiga dacwadooda lagu baahinayo warbaahinta dowladda iyo bogga Internet-ka.

Dadka dacwadooda la dhegeysanayo ayaa isugu jira rag iyo haween ku eedeysan, amaba qaarkood lagu xukumayo inay qeyb ka ahaayeen dilal dhacay, shirqoole, iyo sirdoonnimo, iyo qarinta hubka kooxda.

Mid ka mid ah dhegeysiga dacwadii ugu dambeysay waxaa kasoo dhex muuqday gabadh da’a yar oo magaceeda iyo sawirkeeda la baahiyay, islamarkaasna uu qabsaday baraha bulshada Soomaalida. Gabadhan ayaa shalay lasoo taagay maxkamada ciidamada qalabka sida, iyada oo ku eedeysan inay kooxda Al-Shabaab u qaabilsaneyd keydinta hubka, iyo xog sirdoon ka dhex ururiso hay’adda iyo saraakiisha dowladda.

Ciidamada booliska oo dabo-socda kiis la xiriira dilka askari ka tirsan ciidamada asluubta ayaa galay guriga gabadhan, oo ay kasoo saareen hub la sheegay inay leeday kooxda Al-Shabaab.

Laakiin qareenka u doodaya gabadha ayaa sheegay inay da’da yartahay islamarkaasna la qalday. Waxa uu sheegay in hubka loo dhiibtay islamarkaas na waxa uu codsaday in kiiskeeda loo bedelo heysashada hub sharcidarro ah. Dhegeysiga kiiskan ayaa weli ka socda magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabdinuur Jiidow ‘Dhakhtar Fanax’

Dr Fanax

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Waxa uu ahaa nin magacyo badan, oo xirfado badan leh. Mar waxa uu ahaa dhakhtar caafimaad oo ku takhasusay cuduradda neerfaha, marna waxa uu ahaa sarkaale sare oo ciidan, oo xitaa waxaa lagu martiqaaday barnaamijyo caafimaad oo ka baxa telefishinada Soomaalida, isaga oo bixinaya talooyin caafimaad.

Maxamed Cabdinuur Jiidow Hagar waxa uu ka howlgalay isbitaalo caafimaad oo ku yaal Muqdisho, Baardheere, Baydhabo iyo Baledweyne iyo meelo kale. Waxaa se lagu sheegay in uu ka been-abuuray dhakhtarnimadiisa siu u u qariyo shaqada uu u hayay Shabaab.

Waxa uu ku eedeysnaa dilal ka dhacay meelo kala duwan, iyo weerar isqarxin ah oo logu qaaday gaari bas ah oo waday ergo kasoo jeeda gobolada Waqooyi oo lagu weeraray Ceelgaabta magaalada Muqdisho xilligii doorashada xildhibaanadda ee ugu dambeysay.

Dhakhtar Fanax ayaa muuqaal kasoo dhex duubay xabsiga magaalada Muqdisho kahor dilkiisa, waxa uu isaga oo cataabaya beeniyay dhammaan wixii qiraal iyo muuqaalo horey looga duubay oo uu ku sheegay in ay ahaayeen hadal uu xanuun ka keenay. Waxa uu codsaday in aan lagu fulin xukun dil ah oo ay ku riday maxkamada ciidamada qalabka sida 15 Janaayo ee sanadkan.

Leyla Cumar Baaruud

Leyla Cumar

XIGASHADA SAWIRKA,.

Sanaddii 2021 waxaa ay sirdoonka Soomaliya gacanta ku soo dhigeen haweeney lagu magacaabo Leyla Cumar Baaruud oo la sheegay in ay Shabab ka titrsaneyd.

Leylo ayaa lagu eedeeyay in ay Shabab u qabailsanayd dhanka tashkiilinta shaqsiyaadka ku soo biiraya kooxda.

Leylo ayaa muqaal laga duubay markii la soo qabtay waxay ku sheegtay inay kooxda ku biirtay 7 sano ka hor.

Leyla ayaa sheegtay in ay aaminsan tahay in dowladda federaalka iyo madaxdeeda aysan ahayn Muslimiin.

Macallin Ilka-Case

Ilka-Case

XIGASHADA SAWIRKA,SNTV

Maxamed Xaaji Axmed oo loo yaqaano Ilka-Case ayaa noqday nin ka yaabiyay Soomaali badan, kadib markii uu ka sheekeeyay qaabka isaga oo macallin luuqada Ingiriiska ah ugu biiray Al-Shabaab.

Ilka-Case ayaa qirtay inuu Muqdisho ka fuliyay dilal badan oo khaarajin ah, kuwaasoo loo geystay askar iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in maalintii u dhigi jiray iskuulka, habeenkiina uu fulin jiray dilalka khaarajinta ee lagu beegsanaya dadka bartilmaameedka u ah Al-Shabaab.

Waxaa uu wax ka soo dhigay dhowr ka mid ah iskuulo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Axmed oo wareysi uu la yeeshay telefishinka qaranka Soomaaliya ayaa bixiyay xoggo muhiim ah oo ku saabsan qaabka ay Al-Shabaab u shaqeeyaan.

Waxyaabihii uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa qaabka ay Shabaab u fuliyaan dilalka khaarajinta ah iyo qaabka qaraxyada loo fuliyo.

Ilka-Case ayaa dil toogasho ah lagu fuliyay 29-kii November 2020.

Al-Shabaab ayaa ka taliso deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana lagu tilmaamay in ururkaas uu yahay kan ugu awoodda badan xulafada Al-Qaacida ee Afrika.

Bashiir Cabdullahi Maxamed ‘Cadde’ iyo Cabdiqani Suleyman Jaamac ‘Sayloor’

Cadde iyo Sayloor ayaa sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Horraantii sanadkii 2022 maxkamad milateri oo ku taalla Puntland ayaa xukunno kala duwan ku ridday afar nin oo loo haystay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, ayna sanadkii 2021 magaalada Gaalkacyo ku dileen weriye hore, Jamaal Faarax Aadan.

Arrinta lala yaabay xilligaasi ayaa ahayd in labada nin ee maxkamadda ka hor qirtay inay fuliyeen dilka weriyaha aysan u muuqan kuwa lagu tilmaami karo Al-Shabaabnimo.

Bashiir Cabdullahi Maxamed oo ku magac dheer Cadde iyo Cabdiqani Suleyman Jaamac oo loo yaqaano Sayloor ayaa sheegay inay iyagu si bareer ah u dileen Jamaal, kadib amar ay ka heleen amiirkooda.

Labaduna waa dhallinyaro da’aada labaataneeyada ah, timaha daystay, isla markaana ciyaara kubadda cagta.

Cadde ayaa qiraalkiisa ku sheegay in marxuumka ay xigto dhaw ahaayeen, oo xitaa uu kala qeyb qaatay aaska aabihii Cabdullahi Maxamed. Waxa uu intaa raaciyay in isagu uu ka dambeeyay in Sayloor oo maalmo ka hor gaaray Gaalkacyo uu kala qeyb qaato hawsha dilka weriye Jamaal.

Sayloor ayaa qiraalka ku sheegay inuu ku noolaa Garowe oo qoyskiisa ay u diyaariyeen jaamacad ku taalla Turkiga, Gaalkacya-na uu u tegay inuu soo macsalaameeyo ehaladiisa, kadibna uu ka qeyb qaata falka lagu khaarajiyay weriyaha.

Maxkamadda ayaa labaduna ku xukuntay dil toogasho ah.

Xildhibaan isqarxiyay

Saalax Badbaado

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) ayaa ka tirsanaa xildhibaannada baarlamaankii dowladdii kumeelgaarka ahayn ee Soomaaliya ayaa sanadkii 2010 shaaciyay inuu ku biiray Al-Shabaab. Dowladdii uu ka tirsanaa ayuu ku tilmaamay mid aan diinta Islaamka haysan.

26-kii July 2016 ayuu gaari uu watay ku qarxiyay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Muuqaal uu sii duubay inta aanu is qarxin, ayna Al-Shabaab fulisay weerarka kadib, ayuu Saalax Badbaado ku sheegay inuu rumaysan yahay in falkaas uu jano ku galayo.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka hadlay falkaas ayaa ku tilmaamay Saalax Badbaado “nin xukun jeclaa oo moodayay in Al-Shabaab ay qabsan doonto Soomaaliya oo dhan, balse ku hungoobay arrintaas.”

BBC

Hadalsame Media