(Hadalsame) 20 Sebt 2023 – Madaxa fulinta ee Midowga Yurub ayaa Talaadadii sheegay in si ku meel gaar ah loo hakiyey bixinta gargaarka bini’aadminnimo ee Soomaaliya kaddib markii baaritaan Qaramada Midoobey lagu ogaadey xatooyo baahsan iyo ku takrifalka taageerada la doonayo in lagu baajiyo macluul soo fool leh.
Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganeysa saraakiil sare oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa si gaar ah u sheegtay in Guddiga Yurub uu si ku meel gaar ah u hakiyey dhaqaalihii uu siin jirey Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ee Soomaaliya, sababo la xiriira natiijada kasoo baxday baarista Qaramada Midoobey.
Talaadadii, afhayeen u hadlay Guddiga Yurub, Balazs Ujvari, ayaa xaqiijiyey joojinta ku meel gaarka ah.
“Nevertheless, in view of the issues communicated by the report concerned, the commission had to take some precautionary measures to safeguard the EU funds, and therefore further disbursements are temporarily suspended until clarifications and reassurance are provided as regards to the resolution of the identified issues.”
“Guddigu ma codsan in la hakinayo howlaha bini’aadminnimo ee Soomaaliya, sida uu dhigayo nidaamka caadiga ah, howlaha hadda socda ayaa sidaa darteed waxa ay durba heleen maalgelin horudhac ah oo ah 80% ah, welina waxaa lagu fulin karaa maalgelintaa bilowga ah,” ayuu yiri.
”Si kastaba ha ahaatee, iyada oo la tixgelinayo baarista ay soo gudbisey warbixintu, Guddigu waxay noqotay inay qaadaan tallaabooyin taxaddar ah si loo ilaaliyo lacagaha EU-da, sidaas darteed bixinta lacago dheeraad ah ayaa si ku-meel-gaar ah loo hakiyey ilaa caddayn iyo xaqiijin laga helayo xallinta arrimaha la baaray.” ayuu raaciyey.
Baaritaanka Qaramada Midoobey ayaa lagu soo gabagabeeyey in milkiilayaasha dhulka, maamullada degaanka, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha samafalku ay dhamaantood ku lug lahaayeen xatooyada gargaarka loogu talagalay dadka nugul.
Maraykanka kaligii ayaa sheegtay inuu sanadkii tegey Somalia ku bixiyey $2.2 bilyan oo Doollar oo gargaar ah.
Hadalsame Media