Ninkii uu Jinnigu afduubtay + Laba arrin oo ku saabsan cuntada & Cabitaanka oo aad wax kala dhex bixi karto

0

(Hadalsame) 19 Sebt 2023 – NINKII JINNIGU AFDUUBTAY! Waxaa la weriyay in waqtigii uu Cumar binul Khadhaab (RC) Amiirul Mu’miniinka ahaa, ayaa nin Ansaari ahi waxa uu u baxay in rag qoladiisa ah uu salaadda Cishaha lasoo tukado.

Ninkii intii uu dhex sii socday, baa waxa qafaashay Jinni, waana la waayey.
Xaaskii uu ninku qabay baa markaas Cumar (RC) u tagtay, waxana ay u sheegtay in ninkeedii la la’ yahay.
Cumar ninka reer tolkiis buu u yeeray, iyaguna in la la’ yahay bay ka marag keceen.
Cumar waxa uu islaantii ku amray inay afar sano sugto oo ka war dhawrto, sidii bayna samaysay. Afartii sano markii ay soo dhammaysatay, intaasna ninkii weli war iyo wacaal laga la’ yahay, bay Cumar (RC) kusoo laabatay.
Waxa uu ku yiri: “Ciddo tirso afar bilood iyo toban beri”. Inta ay samaysay, bay kaddib kusoo laabatay.
Markaas waxa uu u yeeray ninkii wilaayada ninka maqan lahaa, waxana uu amar ku siiyay in uu islaanta furo, isaguna waa uu furay.
Cumar (RC) waxa uu markaas islaantii ku yiri: “Orod oo ninkii aad doontid guurso”.
Islaantii nin bay guursatay.
Ninkii dambe oo qaba, ayaa waxaa yimid ninkii hore islaanta u qabi jiray oo socda.
Cumar (RC): “Xaggeed ku maqnayd?”

Ninkii: “Jinni ayaa inta uu i qafaashay, muddo dheer i haystay reerkaygoo aan iga warqabin. Waxa jinnigii weeraray jinni kale oo Muslimiin ah, kana guulaystay, maxaabbiis aan ku jirana ka qabsaday.

Jinnigii waxa uu igu yiri: Waxa inooga kaa muuqata in aad nin Muslim ah tahay, xalaalna inooma aha in aad maxbuus inoo ahaatid. Waxa ay markaas i kala doorransiiyeen inaan iyaga la joogo iyo in aan iska baxo oon reerkaygii aado. Waxa aan doortay in aan reerkeygii aado. Markaas waa ay isoo kexeeyeen, iyaga oon habeenkii ila hadlayn, maalintiina ul aan tilmaansado ii taagaya”.

Cumar (RC): “Cunto noocee ah bay ku siin jireen?”
Ninkii: “Fuul aan magaca Alle lagu xusin”.
Cumar (RC): “Maxaad cabi jirtay?”
Ninkii: “Cabitaannada dadka ee aan la daboolin”.
Intaas keddib, Cumar (RC) waxa uu ninkii kala doorransiiyay in xoolihii guurka uga baxay iyo islaanta, waxana uu doortay islaanta. Markaas ninkii dambe oo qabay baa lagu amray in uu furo, keddib markii ay ciddo tirsatayna ninkeedii hore ayaa lagu celiyay.

Xadiithka waxa weriyay Al-Beyhaqi (7/445-446).

W; D: Sabriye Muuse, Mail: moqokori@gmail.com

Hadalsame Media