Maraykanka oo dalka Pakistan qaab ”rakaato” oo kale ah hub uga qaatay (Maxay tahay sababtu?)

0

(Islamabad) 19 Sebt 2023 – Pakistan ayaa hub iyo rasaas siisay dalka Ukraine si ay ugu bedelato dammaanad ay dhowaan Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF siisay waddankan Koonfurta Aasiya ku yaalla, heshiiskaas oo uu Maraykanku dhexdhexaadiyey, sida ay daaha ka rogeen dokumentiyo si qarsoodi ah loo helay.

Sida laga soo xigtey baaritaan ay samaysay The Intercept, laba ilood oo la socda arrintan, ayaa shaaca ka qaaday in Pakistan ay u hoggaansantay cadaadiska Maraykanka si ay si qarsoodi ah ugu taageerto Ukraine dagaalka socda ee ay kula jirto Ruushka si loo helo dammaanadda Washington ee ay IMF uga helayaan inay ansixiso amaah dhan balaayiin doollar oo la siiyo Islamabad.

Bilihii la soo dhaafay, waxaa soo baxay warbixino warbaahineed oo soo jeedinayey in Pakistan ay siinaysay Ukraine hub, iyadoo The Intercept lafteeda ay sheegtay bishii hore, in Maraykanka iyo Pakistan ay ku heshiiyeen in saadkan la siiyo dalkaasi inta u dhexeysa xagaaga 2022 illaa guga 2023.

Sida laga soo xigtay dokumeentiyada la faafiyey, heshiisyada hubka waxaa dalaal ka ahaa Global Military Products, oo hoos tagta shirkadda Maraykanka ee Global Ordnance, taasoo xiriir wayn la leh maamulka Ukraine, islamarkaana gacan wayn ka gaysata sidii ay Kyiv u heli lahayd hub ay iskaga difaacdo duullaanka Ruushka.

Baaritaankan ayaa sidoo kale lagu ogaadey in xiriir wayn uu ka dhaxeeyo heshiisyada hubka ee Pakistan iyo amaahda IMF-ta, maadaama uu kusoo beegmay xilli bangigu ku wargeliyey Islamabad inay tahay inay kasoo baxaan qaar ka mid ah bartilmaameedyada maalgelineed ee ku saabsan daynta iyo maalgashiga shisheeye si loo buuxiyo shuruudaha dib u cusboonaysiinta xirmo amaah ah oo dhacday 30kii Juun ee sanadkan.

Hadalsame Media