Sitimaan kaddib & Su’aalaha aan weli laga jawaabin ee dhacdadii Cowswayne

0

(Hadalsame) 02 Sebt 2023 – Waxaa hadda toddobaad laga joogaa tan iyo markii uu dhacay weerarkii deegaanka Cowsweyne ay al-Shabaab ku qaadeen kaas oo la sheegay inuu khasaare badan ka dhashay. Weerarka ayaa waxaa ka dhashay su’aalo badan oo qaarkood ilaa haatan aan jawaab loo haynin iyadoo dad badan ay dhaliileen weerarkaas, kuwaas oo sheegay inay jiraan khaladaad horseeday dhibaatada ka dhacday Cawsweyne.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadlay weerarka ka dib ayaa sheegay inay khaladaad dhanka farsamada ah ay jiraan baaritaanna lagu sameyn doono wixii dhacay.

“Kuwa awoodda ciidanka ku takri falay qiyaanada ku sameeyay waqtigii lala xisaabtami lahaa waa la joogaa waana lala xisaabtamayaa dowladnimo waa isla xisaabtan,”ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh

XIGASHADA SAWIRKA,VILLA SOMALIA

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu sheegay in ay jiraan dad tashwiish ku furaya ciidanka qalabka sida.

“Kuwa ciidanka tashwiishka gelinaya waa Shabaab, noogama sokeeyaan kuwa hubka iyo qarax wata maalinteeda ayaa loo tegeyaa sarkaal ha ahaado qofkii qalad sameeya waa lala xisaabtamayaa laakiin yaanay ciidamadu qaladkaas u raacin,”ayuu intaa raaciyay.

Siduu weerarka u dhacay?

Weerarka deegaanka Cowsweyne – oo qiyaastii 20 kiilo mitir u jira – degmada Ceel-dheer ee gobolka Galguduud ayaa la sheegay inuu qaraxyo iyo weerar toos ah ku bilawday ka dib markii al-Shabaab ay weerar ku qaadday saldhigga ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gorgor iyo ciidan dhowaan laga keenay Uganda ay ku lahaayeen deegaanka Cawsweyne.

Khasaare intee la’eg ayaa ka dhacay Cawsweyne?

Ka dib weerarka Cowsweyne kooxda al-Shabaab ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegeyso inay dishay 178 askari. Waxay sheegeen inay weerareen saddex saldhig oo ay degganaayeen 1,500 oo askari, ayna si buuxda ula wareegeen.

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay sawirro ku saabsan weerarka Cows Weyne. Illaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka taliska ciidamada Soomaaliya iyo Wasaaradda Gaashaandhiggaba oo ay ku shaacinayaan khasaaraha rasmiga ah ee weerarka.

Hase yeeshee Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay dagaalkii ka dhacay Cawsweyne ayaa sheegay in qasaaraha ka soo gaaray ciidamada dowlada uu ka yar yahay kan soo gaaray al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan ciidamada dowlada ka soo laaban doonin dagaalka lagula jiro Alshabaab.

XIGASHADA SAWIRKA,VILLA SOMALIA

“Al-Shabaab tirada ay sheegeen inay ka dileen ciidamada xoogga waa been, illaa 190 maleeshiyada Shabaab ah ayaa la diley waxayna ku aaseen xabaalo wadareed, waana la gaari doonaa, sawirro ay isku soo xirxireen oo ah kuwo hore ayay baraha bulshada soo geliyeen.” Ayuu yir Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan ciidamada dowlada ka soo laaban doonin dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Dadka dhaliila nidaamka dowladda Madaxweyne Xasan ayaa ku baaqay in weerarkan qiyaano badan ku jirto loona baahan yahay in baaritaan lagu sameeyo weerarkan.

Degaannada ay ilaa iyo haatan dowladda dib uga baxday iyo sababta?

Waa Ciidamada Gorgor oo ku sugan Cawsweyne ka weerarka Al-shabab

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Ciidamada dowladda ayaa dib uga baxay degaano ay hore al-Shabaab uga qabsadeen wejigii koowaad ee dagaalka, kuwaas oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha ciidamada ayaa laga soo xigtay in ciidamada dawladdu ay dib uga soo gurteen magaalooyinka iyo degaanada Ceel Dheer, Masagaway, Budbud, Wabxo, Galcad, Ceel-buur, Galhareri.

Wasiir ku xigeenka amniga Galmudug Cali Cabudllaahi ayaa BBC-da u sheegay in sababta ay ciidamada dowladda dib uga soo baxeen deegaannadaas ay tahay xeelad dagaal maaddaamaa sida uu sheegay ay la dagaallaamayaan kooxda al-shabaab oo dagaalkoodu yahay ku dhufo oo ka dhaqaaq.

Mar sii horreysayna taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin oo ka hadlay sababaha ciidanka dowladda usoo baneeyeen qaar ka mid ah furimaha dagaalka ayaa sheegay farsamo jirto awgeed.

Dhanka kale Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka ee Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud, oo ku sugan jiidaha dagaalka ee gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, ayaa BBC u sheegay in ka bixitaankii ciidamada Dawladda ee degmada Ceelbuur uu ahaa xeelad dagaal, isla markaana uu hadda socdo dib u qaabaynta hawlgalka la doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaannada ay maamulaan ee ku yaala Galmudug.

Hase yeeshee Cabdisalaan Guuleed oo ka faallooda arrimaha aminga ahna guddoomiye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda ee NISA ayaa sheegay in hadalka wasiirka uusan ahayn mid ka turjumaya waxa dhabta ee jira ayna tahay in wixii dhacay lagula xisaabtamo dadkii mas’uulka ka haa.

Waxaana jira dad badan oo aaminsan inay arintan ayaa ka dhalatay dagaalkii Cowsweyne ee Sabtidii 26-ka bishii Ogosto waxaana ka dhashay su’aalo badan oo ku sabsaan in khaladaad hoggaamineed oo ciidamada dowladda ka dhex jira.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya halganka uu dhiigga u soo daatay ee dalka looga sifeynayo Alshabaab.

“Halgankan aad dhiigga badan u soo hurteen lama aqbali karo in la majo xaabiyo, cid walba waa lagula xisaabtamayaa masuuliyadda saaran, idinkuna waxaad tihiin geesiyaal diyaar u ah duruufta ugu adag in ay kula dagaalamaan cadowgooda, waxaad u dhimanaysaan, u- gaajoonaysaan waa waddankiina oo aad cadowga ka difaacaysaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo meel fagaaro ah kula hadlayay ciidamada.

BBC

Hadalsame Media