COWSWAYNE waa hal-xiraale furis u baahan & 7 su’aalood oo jawaab mudan (3 wasaaradood oo war u yaallo)

0

(Hadalsame) 26 Agoosto 2023 – Cowswayne waa hal-xiraale furid u baahan?!

Sooyaalka dagaalka mujrimiinta shabaab iyo dowladda Soomaaliyeed dhex maray kii xalay waacaskii ka billowday deegaanka Cowsweyne wuxuu ahaa midkii ugu adkaa ee ciidan col ahi foodda isku daro. Ciidamada dowladdu tiro ahaan waxay ahaayeen 500 oo askari iyo taliskooda, halka kuwa khawaariijtu ay ahaayeen: 2000 oo naftood halligayaal ah. Keebaad u filaysaa inuu qasaaraha ugu badani soo gaaray?
Sida aas sawirrada ka arkeysaanba seddex TM oo qaraxyo ka buuxaan ayey kusoo galeen seddex jiho oo ciidamada dowladdu ay difaac uga jireen, balse, maxaa ka raacay? Kala bar geeri ayey uga tageen khawaariijtu oo halkaas way ku dhamaadeen, geesiyaasha qarankuna jilibaha ayey u aasteen.
Qasaaro dhimasho iyo maal ahiba way jirtaa, balse, goobtii lagu dagaallamay cidda u hartay ayaa guuleysatay, taas oo ah; dowladda, waxana weli Cowsweyne deggan dowladda, balse, qorshe xumada halkaas ka dhacday ee ciidan aan gurmad ka heleyn, Galcad, Ceeldheer, Meseggawaa Ruunnirgood iyo Cali Heelle halkaas loo geeyay waa in la heelaa wasiirro iyo hoggaamiyayaal xilalkooda ku waaya loona ciqaabo.
Ciidamada qaranku waxay tuutaha u gashadeen geeri ama nolol, dagaalkuna wuxuu ahaa; wax ay filanayeen goor walba, balse, seddaxda wasaaradood oo dagaalka caadiyan laf-dhabarka u ah, waa in xal degeg ah loo helaa.
Wasaaradda GAASHAANDHIGGA.
Wasaaradda WARFAAFINTA.
Wasaaradda Arrimaha gudaha.
Waa halka halganku ka gablamay, haddii aan is beddel muuqda lagu sameyna halistu weli intii hore way ka daran tahay, mar haddiiba ay khawaariijtu ku haminayso inay weerar qaadaan.
Seddaxdaas wasaaradood iyo taliska xooggu waa inay ka jawaabaan; waydiimaha kala ah:
1. Sidee ayey ku dhacday; in Cowsweyne ciidan la dejiyo, iyada oo ciidamada GALCAD jooga aysan u qaban ama u tegin deegaanka TOWQIIF oo 20 ilaa 24-kiilow mitir u jira Galcad isla markaana ah dhul dhagax ah oo habka dagaallanka dowladda kaalmo weyn u ah?
Ku darsa oo Towfiiq, waxay isku xirtaa: Galcad, Ceelbuur, Budbud, Derri, Cowsweyne, Jacar iyo Bargaan. Waa waydiin warcelin u baahan!.
2. Maxay tahay sababta ciidamada BUDBUD qabtay oo aan deegaanka Derri qaban, Cowsweyme aag looga dhigay?
Ku darsa oo qabashada derri waxay derbi adag u noqon laheyd; degmada CEELBUUR oo haddii aan laga soo gaarin iyana xaalad halis ah wajahaysa, waayoo waddada xariirisa Ceelbuur iyo Dhuusamareeb ama Ceelbuur iyo Guri-ceel waxay u go’antahay khawaariijta. Aaween ciidamadii tirada badnaa ee HABARGIDIR, Duduble, Qubeys iyo Mariixaan ee meel walba lagu soo bandhigayay? Aaween kuwii GALMUDUG? Aaween kuwii dowladda ee deegaanka JAAW qabtay? Maxaa ka hortaagan Ceelgaras iyo imaanshiyaha Ceelbuur?
3. Dhanka Wabxo iyo DAC oo ay howdka weli khawaariijtu ku jiraan sidee Ceelbuur loogu soo booday iyada aan howdka la sifeyn? Waa waydiin warcelin u baahan!.
4. Sidee ayey ku dhacday iyada oo aan ciidamo dowladeed joogin bacaadkii halista ahaa ee deegaanka JACAR oo ku taalla xuddunta ama bartamaha afarta deegaan ee kala ah: COWSWEYNE, GALHAREERI, CEELDHEER, MESEGGAWAA iyo GALCAD sababta Cowsweyne loo degay?
Ku darsa oo JACAR, waxay TOWQIIF u jirtaa: 20-kiilow mitir. Jacar waxa kale oo ay tahay: afar xagalka: Ceelbuur, Galhareeri, towfiiq iyo Cowsweyne. Sidoo kale naagta CEELDHEER laga soo masaafeeyo waxa laga xiraa JACAR, taas oo iyana ka dhigeysa in Ceeldheer iyo Jacar ay isu jiraan 90-kiilow mitir. Waxa kale oo siman, naagta Ruunnirgood laga masaafeeyo waxa laga xiraa Ceeldheer, haddii dhanka howdka la aadana waxa laga xiraa: Jacar ama Cowsweyne. Waa inta jiidaalka iyo fogaanshaha dhulka iyo deegaannadu isu jiraan.
5. Sidee ayey ku dhacday in Meseggawaa oo aan Cowsweyne gurmad uga imaan karin fogaanshada masaafo ahaan darteed Cosweyne loo degay?
6. Maxay tahay Cowsweyne iyo Ceeldheer oo aan si dhab ah la isugu furin oo aan gurmadka Ceeldheer ka soo baxa Cowsweyne si nabad ah ku imaan karin sababta Cowsweyne aag looga dhigay? Ku darsa oo Cali Yabaal oo Cowsweyne iyo Ceeldheer u dhaxeeya dowladdu si toos ah uma heysato.
7. Waa maxay sabata Cowsweyne iyo Cali Heelle ama deegaannada Degmada Ruunnirgood oo aan isu gurma karin, Cowsweyne talis loo dhigay?
Ku darsa oo 6-maalin ka hor ayey Galcad u guureen ciidamadii degganaa deegaanka Cali Heelle, haddii ay halkooda joogi lahaayeenna khawaariijtu marnaba ma haweysteen inay Cowsweyne weeraraan. Ciidanka deegaanka Cali Heelle jooga wuxuu shabaabka u ahaa fallaar wadnaha uga taalla, waana inay ka jawaabaan sababta Galcad oo taliskii mareykanka iyo bangaraaftu ku yaallo loo geeyay? Ha illoobin waxa weli isu furan oo hal silsillad iskula xiran shabaabka howdka degmada Ruunnirgood ku jira iyo kuwa GALHAREERI ay fadhiisinta u tahay, mana jirto meel ay ka kala go’anyihiin haba yaraato e?
Waydiimahaas haddii aan jilciyo:
1. Galcad Shabaabku 4-ta jiho ayey weli ka jiraan sabab?
2. Ceelbuur afarta jiho ayey ka jiraan sabab? Jidkii qorraxsin ee ciidamada dowladdu ku yimaadeen hareeraha ayey ka joogaan. Waa wadda, wabxo, dac ilaa ceelbuur xariirisa.
3.Cowsweyne 3-jiho ayey ka jiraan. Jihada bari ee Meseggawaay kaliya ayaa nadiif ka ah.
4. Galhareeri 4-ta jiho ayey ka jiraan sabab?
5. Degmada Ruunnirgood oo degmooyinka kale ee aan soo tilmaamay difaac iyo gurmad u noqon laheyd waxay ka jiraan 4-ta jiho. Jihada Koofur bari oo kaliya ayaa degmada u bannaan, iyadana saacad walba ayey tegi karaan oo ciidan joogaahi ma jiro, wolow ay dhul geed-gaab ah u badan tahay oo aysan ku dhirira karin, balse, sababtee ayaa Cowsweyne talis u tahay Ruunnirgoodna xarun shabaab? Waa kaarto nuucee ah taasi?
6. Deegaanka Budbud 2-ba jiho ayey ka jiraan. Waxa la yaab leh! Budbud oo degmada Galcad hoos tagta, waxa dhexda uga jira shabaab, sabab? Dhanka kale, Budbud iyo wabxo oo 90-kiilow mitir isu jira waxay u kala jaran yihiin shabaab, sabab? Budbud iyo Derrina waxay u kala jaranyihiin shabaab, sabab? Derri iyo Galcadna waxay u kala jaran yihiin shabaab, sabab?
Ma aqoon-xumo dhuleed ayaa jirta?
Ma qibrad iyo farsamo-xumo ayaa jirta?
Ma wada shaqeyn iyo isku milan qarsoon ayaa jira?
Ma kala amar qaadasho iyo iska warqab la’aan ciidanka dhexdiisa ah ayaa jirta?
Cowsweyne lagu baaba’ay, laguna adkaaday ee maxaa qorshe ah oo xiga?
Ceelbuur iyada maxaa u xal ah?
Intee ayey iska qaban la’dahay?
Gugii hore ee 2022 fashilinta howlgalku wuxuu ka billowday Hilowle-gaab ee kanna ma kii labaad baa?
Maxaa hal gu’ ka dib wax looga baran la’yahay kaartaa munaafiqiinta shabaab oo weli kaarto isku mid ah adeegsanaya?
Maxaa fursad loogu siinayaa inay is aruursadaan oo ay is abaabulaan?
Waxa daahan ayaa waxay ka badan yihiin waxa daalacan!.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow

Hadalsame Media