DHACDO NAADIR AH: Caawa waxaa la arkayaa ”Bil Buluug ah” oo 14% ka wayn bisha caadiga ah (Maxaa keena goorma ayaase la arki karaa midda xigta?)

0

(Hadalsame) 30 Agoosto 2023 – Fiidnimadan Arbacada ah, waxaa dunida oo idil laga arkayaa dhacdo naadir ah oo marar dhif ah ka lagu arko cirka xilliga habeenkii.

Bishan Agoosto waxay sanadkan ku dhamaanaysaa markii 2-aad in dayaxu buuxo, taasoo sidoo kale u muuqan doona mid ka wayn kana iftiin badan sidii caadiga ahayd. Dhacdadan ayaa waxaa loo yaqaan “bil buluug ah” waana dhacdo dhif iyo naadir ah oo aad u iftiimisa cirka.

Dayax buluuggu waxa uu yimaadaa marka dayaxu ugu dhow yahay meeraha dhulka marka uu wareeggiisa ama falaggiisa ku jiro isagoo u muuqda inuu 14 boqolkiiba ka wayn yahay marka uu ka fog yahay dhulka, sida ay NASA sheegtay.

”Wareegga ama falagga dayaxaee ku wareegsan dhulku ma aha mid qaab ahaan wareeg quman ah, mar wuu yara waynaan karaa marna wuu yara yaraan karaa. Saamiga iftiinka dayaxuna sidaas awgeed wuxuu hadba ku xiran yahay dhowaanshaha iyo dheeraanshah dayaxa marka loo eego masaafada dhulka,” ayuu yiri Andreas Korn, oo bare ka ah qaybta cilmiga xiddigiska iyo fiisigiska hawada sare ee Jaamacadda Uppsala.

Dayaxa buluuga ah waa ifafaale yimaada kulansada dayax buluug ah iyo isagoo sidoo kale ka wayn sida caadiga ah, waxa ayna tani sidoo kale dhacday bilowgii bishan Agoosto ee sanadkan. Si kastaba ha ahaatee, erayga buluug ma sheegayo midabka dayaxa.

”Dayaxu wuxuu u iftiimayaa midab la mid ah sida uu ahaan jirey had iyo jeer.” ayuu raaciyey Andreas Korn oo sharraxaya in kelmadda ”Dayax Buluug” ay uun iska tahay magac baxay.

Marka xigta ee laba jeer la arki karo dayax buluug ah misna wayn waxay noqon kartaa 2037-ka, sida ay saadaashu sheegayso haddii Alle idmo.

Hadalsame Media