”Carruurtii & Xaaskii xitaa waa iga haystaan” – Qoys 42-sano Gabon xukumayey oo la afgembiyey + Madaxwaynaha Afrika ugu da’da wayn oo isku shaandhy

0

(Hadalsame) 30 Agoosto 2023 – Madaxweynaha Gabon Ali Bongo oo 64 jir ah dalkaasna xukumayay illaa 2009-kii ayaa muuqaal video ah ka soo dhex diray qasrigiisa oo Militeriga iyo Boolisku ay xabsi guri kaga dhigeen, wuxuuna yiri “Guriga ayay igu xireen, xaaskeygii meel kale ayaa lagu hayaa, carruurteydiina guri kale ayaa afduub loogu haystaa, saaxiibadeyda iyo madaxda caalamka waxaan ka codsanayaa inay ii kacaan oo cod dheer ku qayliyaan oo balaayadaan igu habsatay iga qabtaan”.

Ali Bongo aabihiis El Xaaji Omar Bongo Ondimba wuxuu ahaa madaxweynihii labaad ee Gabon kaasoo xukumayay 42 sanadood (1967-2009) intii uusan wiilkiisa Ali Bongo kursiga ku wareegin.

Tan waxaa ka sii daran Bongaha haatan jooga aabihiis Bongihii weynaa hadduusan geeriyoon lahayn 2009 weli isaga ayaa illaa maanta kursiga ku sii fadhin lahaa. Wadar ahaan reer Bongo waxay Gabon ku fadhiyaan 42+14= 56 sanadood.

Dhanka kale, Madaxweynaha dalka Cameroon Paul Biya ayaa isku shaandhayn ku sameeyey taliska ciidanka Mileteriga ee dalkaas ka dib markii afgembigii maanta ka dhacay dalka Gabon.

Paul Biya oo da’diisu dhaaftay 90 sano wuxuu dalka Cameroon soo maamuulayey tan iyo sannadkii 1982 kiii.

Waa madaxweynaha ugu da’da weyn qaaradda Afrika iyo dhammaan kuwa dunida ee xilka haya.

Cabsi wayn ayaa soo food saartay madaxda Afrika ka dib afgenbiyada ka dhacay dalalka Maali, Gini, Niger, Gabon iyo Burkiina Faaso.

Paul Biya has been Cameroon's president for 40 years – and he might win office yet again

W; D: Yaxye Yuusuf & Khaalif Foodhaadhi

Hadalsame Media