Laacib sheegay in Hargaysa loogu xiray sabab la yaab leh oo ciyaaraha ka baxsan oo hadlay

0

(Hargaysa) 22 Agoosto 2023 – Somaliland; Booliska ayaa xalay xabsiga u taxaabay ciyaaryahan ay rabaan in uu khasab ugu ciyaaro [dheelo] kooxda kubadda cagta Goodir ee magaca Bilayska ku ciyaarta.

Ciyaaryahankan la xidhay oo lagu magacaabo Cabdisamad Cuddo, ayaa shalay shaaciyay in uu si iskii ah uga tegey kooxda Goodir ee Booliska uuna rabo in uu koox kale ku biiro.
Saldhiga Koodbuur ee Hargeysa ayuu Abdisamed saaka ku xidhan yahay hoggaanka Booliska ayaana la sheegay inay ku qasbayaan in aanu kooxda ka tegi karin haddii kale uu halkan liinta ku cabayo.

Cabdisamad ayaa farriin uu soo dhigay boggiisa Facebook ku yiri sidatan: ”Salaan kaddib, waxaan ku wargelinayaa dhamaan ehelkayga, asxaabtayda iyo bahwaynta ciyaaraha dalkaba in caawa si xaq darro ah la iigu soo xidhay saldhiga booliska ee Ibraahim Koodbuur, iyadoo ay xadhigayga ka dambeeyaan maamulka kooxda kubadda cagta ee Goodir.

”Xadhigaas waxa aan ku mutay waa go’aankii aan qaatay ee aan kaga tagay kooxda kubadda cagta ee Goodir, iyadoo qasab iyo xoog la igu keenay saldhigan.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media