GADAR 2: Filimka Sunny Deol ee qabsaday shaashadaha caalamka & Sababta

0

(Hadalsame) 22 Agoosto 2023 – Jilaaga Sunny Deol Filimkiisa la wada sugaayay ee Gadar 2 ayaa shaashad walbo la saaray Jimcihii hore. Wixii markaas ka dambeeyay, filimku wuxuu noqday mid aad loogu daawaday shaashadaha caalamka.

Ghadar 2 oo la sii daayay bishan Agoosto 11-keedii ayaa loo arkaa inuu dhigay rikoorro badan marka loo eego dakhliga kasoo xarooday.

Shan maalin ka dib, markii la sii daayey Gadar 2 waxaa ay ku beegneyd maalintii xorriyadda Hindiya. Filimkan ayaana soo jiitay dadweyne aad u fara badan, waxaana u suura gashay inuu soo xareeyo 55.40 crore oo ah halbeeg ay isticmaalaan waddamada Hindiya, Bangladesh, Nepal, iyo Pakistan hal maalin.

Taran Adarshan oo ah falanqeeye dhanka filimada ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray, “15-kii Agoosto, filimku wuxuu jebiyay dhammaan rikoorrada Boxoffice-ka, wuxuuna abuuray taariikh cusub. Filimkan waxa uu soo xareeyay Rs 40.10 crore 11 August, 43.08 crore 12 August, 51.70 crore 13 August, 38.70 crore 14 August iyo 55.40 crore 15 August.”

Intaa dabadeed, waxa la ururiyey rikoodh kale oo u hiiliyey Gadar-2, taas oo aheyd in maalintii Sabtida (August 19) uu filimkan soo xareeyay 300 crore.

Sida ay sheegeen dadka aflaanta qiimeeyo dhammaadka todobaadkan ganacsiga Gadar 2 waxa uu ka talaabsan doonaa 400 crore.

Sababta filimkaan uu rikoodhka u xidhtay

Gadar 2 ayaa kulan saday dareen wadaninimo iyo dareen maaweelo.

XIGASHADA SAWIRKA,ANI

Waxaa agaasime ka ah Anil Sharma, Ghadar 2 waana goos gooska filimka Blockbuster ee soo baxay sanadkii 2001.

Waa naadir in la arko taxane la sii daayay labaatan sano ka dib oo jawaab ceynkaas ah ka helaysa dadweynaha.

Taran Adarsh ayaa mar uu dib u eegis ku sameynayay filimkan sii deyntiisa ka dib,waxa uu siiyay qiimeyn sare. Waxa uu sidoo kale ku qeexay filimku yahay ‘blockbuster’.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saareen shirkada sameysay filimka Ghadar 2, Ghadar 2 ayaa dhigay iskoor badan marka lala barbardhigo dakhliga filimada Hindiga ah ay kasoo xareeyaan gobollada Punjab.

Bharti Dubey, mar ay la hadashay saxafi ka tirsan BBC-da, waxay tidhi, “Wadaniyadu waa mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee guusha Filimka Sunny Deol ee Ghadar 2. Sidoo kale Sunny Deol ayaa filimkiisa si weyn u xayeysiiyay.”

“Filimka oo la sii daayay maalinta madax-banaanida ayaa sidoo kale ahayd mid ka mid ah sababaha guusha. Filimkani waxa uu u digayaa kuwa kasoo horjeeda qaranimada. Sheekada filimku sidaas uma wanaagsana. Balse Gadar 2 ayaa si toos ah uga faa’iideystay xiisaha filimka Gadar Ek Prem Katha.

Wakhtiga filimka iyo heesaha ku jira ayaa si fiican isugu dhigmay,” ayuu yidhi.

Caqabadda filimada OMG 2 iyo filimka Jailor

Girish Wankhede Fallanqeeya filimada ah.

XIGASHADA SAWIRKA,MADHU PAL

Sida laga soo xigtay shabakadda Sacnik, filimka Oh My God 2 (OMG 2) ayaa sidoo kale soo xareeyay in ka badan 100 crore ilaa hadda.

Bhola Shankar oo ay wadaan aktarro xooggan sida Chiranjeevi, Tamannaah Bhatia iyo Keerthy Suresh ayaa sido kale la sii daayey 11-kii August laftirkeeda.

Maalin ka hor ayuu Rajinikanth filimkisa Jailor soo baxay 10-kii August sido kale filimkaas ayaa waxaa ay u suuro gashay inuu soo jiito dad badan.

Filimka Jailor ayaa sidoo kale dhigay diiwaanno badan marka la eego dakhliga. Haatan lacagta uu soo xareeyay Filimkan ayaa dhaaftay 250 crore. Haddii dakhliga dibadda lagu daro, filimku wuxuu u muuqdaa inuu sidoo kale yahay blockbuster. Jailer lacagta uu soo xareeyay caalamka ayaa dhaaftay 450 crore.

Dakhliga daafaha caalamka uu ka soo xareeyay Jailor wuxuu dhaafay Ghadar 2, Filimka Ghadar 2 ayaa kasoo xareeyay dibadda dakhli dhan35 crores.

Sida laga soo xigtay dadka falanqeeya filimada, 88 boqolkiiba kuraasta ayaa la buuxiyay tiyaatarrada Waqooyiga Hindiya, halka Filimka Oh My God 2 (OMG 2) uu sidoo kale soo jiidatay daawadayaasha caalamka.

Sunny Deol 10-kii sano ee lasoo dhaafay niyad jab ayuu wajahay

is-hoosaysiinta iyo dad jacaylkisa ayaa sidoo kale la sheegay inay sabab u yihiin guusha filimka Sunny Deol.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Tobankii sano ee lasoo dhaafay jilaaga weyn ee Sunny Deol ayaa wajahay guul-darrooyin waaweyn.

Filimkiisa Yamala Pagla Deewana oo soo baxay sanadkii 2011, ayaa soo xareeyay 90 crore.

Filimka Yamala Pagla Deewana 2 oo isna soo baxay sanadkii 2013 ayaa celcelis ahaan soo xareeyay 50 crore. Mar kale 2018 waxaa uu soo saaray filimka Yamala Pagla Returns. Filimkan ayaa uu mar kale kala kulmay guul-darro weyn ka dib markii uu soo xareeyay kaliya 17 crore.

BBC Somali

Hadalsame Media