”Maba haqaan halka goolku ku yaallo” – Khubaradii Liverpool oo weerar caqli caqli ah ku qaaday Caicedo

0

(London) 20 Agoosto 2023 – Jamie Carragher ayaa waxa uu kulan-bilowgii Moises Caicedo ee Chelsea ku calaamadiyey ‘riyo calwasaad ah’ kaddib markii uu khadka dhexe ku dhibtooday kulankii ay West Ham ku garaacday ee dhowaan dhamaaday.

Kooxda Hammers oo 10-ciyaaryahan kula ciyaaraysey Chelsea ayaa goolka 3-aad kaga naxsatay waqtigii dhimashada ee ciyaarta kaddib khalad uu galay laacibka qaaliga ah ee Caicedo oo faawal ku galay Emerson oo uu dhulka dhigay isagoo ku jira diilinta ganaaxa.

Carragher ayaa bilowgiiba dhaleeceeyey ciyaaryahanka khadka dhexe ee diidey kooxdiisii hore ee Reds kaddib markii uu kubad u laaday meel ka fog goolka isagoo kaliya kubadda taabtay markii seddexaad, isagoo yiri: ‘Wuu soo galay, waa taabashadiisa seddexaad ee Chelsea. Mana garanayo halka goolku ku yaallo, ma hubo in taas tahay sababtii loosoo iibsaday!’

Caicedo ayaa waxaa kursiga kaydka waxaa uga tagay maamulaha Chelsea ee Mauricio Pochettino kaasoo go’aansaday inuu laacibkan oo ku fadhiya £115 milyan ginni soo geliyo daqiiqadii 67-aad.

Yeelkeede, 21-jirka khadka dhexe ka ciyaara ayaa ku dhibtooday inuu ilaaliyo kubbadda ku socota difaaciisa, inkastoo Hammers ay hoos ugu dhacday 10-ciyaaryahan kaddib markii Nayef Aguerd loo taagay kaar casaan ah ciyaartii garoonka London Stadium, iyagoo hadallo weerar ah kusii waday.

Khabiirka kale ee Sky Sky ee Jamie Redknapp oo isna Reds usoo cayaaray ayaa sameeyey dib u eegis dhaleecayn xambaarsan oo la mid ah saaxiibkii gaar ahaan rigooraha uu galay Caicedo.

Redknapp wuxuu yiri: “Caicedo wax ciyaar ah ma dheelin 60 maalmood, waxaadna arki kartaa daxalkiisa. Kaliya macallinka ayaa og inuu diyaar ahaa iyo in kale welise ma aha diyaar.”

Si kastaba, Chelsea ayaa in badan aad uga ciyaar fiicnayd kooxda West Ham oo 3-1 ku badisay.

XOGTA CIYAARTA:

WEST HAM: Areola 8; Coufal 5.5 , Zouma 6, Aguerd 5, Emerson 6.5; Soucek 6.5, Ward-Prowse 6 (Alvarez 80mins 6); Bowen 7, Paqueta 7, Benrahma 6.5 (Ogbonna 69mins 6); Antonio 7.5 (Fornals 75mins 6)

Kaydka: Fabianski, Johnson, Cresswell, Cornet, Ings, Mubama

Goals: Aguerd ‘7, Antonio 53′, Paqueta 90+5’

Booked: Aguerd, Paqueta, Emerson

Red cards: Aguerd ’67

Manager: David Moyes 8

CHELSEA (3-4-2-1): Sanchez 6.5; Disasi 6, Thiago Silva 6, Colwill 5.5; Gusto 6 (Burstow 82mins 6), Fernandez 6, Gallagher 6 (Madueke 74mins 6), Chilwell 5.5 (Caicedo 60mins 5); Sterling 7.5, Chukwuemka 7 (Mudryk 45mins 4); Jackson 6

Kaydka: Bergstrom, Cucurella, Maatsen, Humphreys, Ugochukwu

Goals: Chukwuemeka 28′

Booked: Disasi, Chukwuemeka, Jackson

Manager: Mauricio Pochettino 5.5

Referee: John Brooks 6

Mauricio Pochettino brought on £115million record signing Moises Caicedo but the midfielder gave away a late penalty

Lucas Paqueta scored from the penalty spot in the second half stoppage time to seal a memorable 3-1 victory for West Ham

Hadalsame Media