Kylian Mbappe oo ku dhawaaqay moowqif cusub oo lama filaan ah (Daawo)

0

(Paris) 20 Agoosto 2023 – Laacibka Kylian Mbappe ayaa u muuqdey mid doonaya inuu xaqiijiyo rabitaan ku aadan joogitaanka Paris Saint-Germain kaddib markii uu dhaliyey gool ku tusmaysan kusoo laabashadiisa safka kooxda.

Xiddigga reer France ayaa kasoo kacay kursiga kaydka wuxuuna dhaliyey gool ku laad jeer ay kooxda Luis Enrique ay barbaro 1-1 ah la gashay Toulouse.

Mbappe ayaa isaga oo faraxsan ka booday boorarka xayaysiisyada wuxuuna ku hor dabaaldagay jamaahiirta PSG kahor inta uuna ku qaylin ”halkan ayaan sii joogayaa.”

Mbappe ayaan lagu soo darin shaxdii ay PSG barbaraha goolal la’aanta ah kula gashay Lorient maalintii furitaanka xilli ciyaareedkan cusub iyadoo aan la hubin mustaqbalkiisa kooxda.

Sidoo kale, lama hubo waxa uu ula jeedo halkan ayaan joogayaa maadaama Sucuudiga lagasoo dalbay waxay xitaa noqon kartaa inuu ula jeedo Yurub ayaan joogayaa.

Hadalsame Media