”Haddii aysan helin….” – Maamulka & Macallinka Man United oo loo tilmaamay meesha ay mashaqadu ka haysato

0

(London) 19 Agoosto 2023 – Gary Neville ayaa uga digey Manchester United inay la kulmi doonto dhibaato wayn xilli ciyaareedkan bilowday hadii ay ku guuldarreysato inay lasoo saxiixato ciyaaryahan kale oo khadka dhexe ah kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsigu.

Khabiirkan ayaa aad u xanaaqay guuldaradii 2-0 ahayd ee ay United kala kulantay Tottenham tiiyoo ay United ka liidatey khadka dhexe markii ay ceebtooda soo saartay kooxda Ange Postecoglou qaybtii dambe ee ciyaarta.

Erik ten Hag ayaa kharash gareeyey ku dhowaad 180 milyan ginni inta lagu guda jirey suuqa kala iibsiga xagaagan, isagoo la soo wareegey saxiixyo heer sare ah oo ay ku jiraan Mason Mount oo Chelsea kaga soo biiray 60 milyan ginni iyo goolhayaha Inter Milan ee Andre Onana oo lagu soo iibsadey 47 milyan ginni.

Neville, oo hadlayey intii ay socotey faallaynta ciyaarta, ayaa soo jeediyey in la keeno No 6 cusub si uu uga garab ciyaaro Casemiro taasoo muhim u ah guusha mustaqbalka ee Man United, sida uu qabo.

“Haddii ay qaabkoods eegaan labada toddobaad ee ugu horreeya fasalkan, waa inay markale maamulku maalgeliyaan kooxda weliba lambar 6, haddii kale waxaa jiri doonta dhibaatooyin waaweyn.” Ayuu ku dooday.

Hadalsame Media