DAAWO: Gabdhaha Itoobiya oo natiijo yaab leh ka keenay oroddada dheer (Gabadhii ka horreeysey ma kuftay mise?)

0

(Hadalsame) 19 Agoosto 2023 – Gabdhihii u ordayey dalka Itoobiya ayaa guul cajiib ah ka gaaray Tartanka Oradka dheer, kaddib markii ay ku guulaysteen Biladaha Dahabka, Qalinka, iyo xitaa Maarta, iyagoo u ordayey 10,000 mitir.

Waxay taasi ka dhigan tahay in gabdhaha Itoobiya ay kala galeen 1, 2 iyo 3-aad oo ah seddaxda kaalimood ee ugu horreeya, iyadoo markii horeba loo saadinayey guusha ciyaaraha orodda ka socda Budapest Hungry.

Waxaa Asfan Xasan oo u dhalatay isla Itoobiya, balse u orodda dalka Netherlands ayaa dhulka ku dhacday wax yar kahor markii ay dhowr mitir uun u jirtey xariiqda dhamaadka 10,000 mitir, taasoo nasiib xumo wayn ah.

Yeelkeede, isla horraantii maanta ayaa waxay ordaysey 1500 mitir waana ku guulaysatey. Sidaa darteed, shallaay badan ma qabto waloow ay midkanna ku guulaysan lahayd.

Marka muuqaalka si deggan loo eego waxaa la is oran karaa in dhicidda ay sababtay in gabadhii ka daba ordeysey ay xabadka u dhigtay gacantii ay wareejinaysey, balse ma aha wax kas u qaab eg.

Hadalsame Media