Waxyaabaha ay Sucuudigu Neymar kusoo jiiteen oo la kashifay (Ma malayn kartid waxyaabaha uu helayo)

0

(Riyaad) 17 Agoosto 2023 – Laacibka Neymar Jr ayaa dhowaan ku biiran kooxda Al Hilaal ee Horyaalka Saudi Pro League oo lacag badan u qoondaysay.

Hadaba waxaan idiin haynaa waxyaabaha aan caadiga ahayn ee uu helayo Neymar Jr. inta uu joogo Saudi Arabia oo dabcan qayb ka ah u naq raaciisa dalkaasi.

▫️ Guri leh 25 qol.

▫️ Barkad dabaal oo cabirkeedu yahay 40×10 meter.

▫️ 5 shaqaale joogta ah oo gurigiisa ka shaqaynaysa.

▫️ Gaari noociisu yahay Bentley Continental GT oo qiimihiisu yahay $222,700
▫️ Gaari kale oo noociisu yahay Aston Martin DBX qiimihiisuna yahay $192,000.
▫️ Gaariga sedexaad oo noociisu yahay Lamborghini Huracán qiimihiisu waa $333,633.

▫️ Darawal 24-saac xaadir ah.

▫️ Dhammaan biilasha hoteelada, makhaayadaha iyo adeegyada kale ee maalmihiisa fasaxa, waxa rasiidyadooda loo dirayaa xarunta dhexe ee naadiga si ay u bixiyaan.

▫️ Diyaarad gaara oo uu safaradiisa u isticmaalo.

▫️ €500,000 oo lagu siinayo qoraal kasta oo uu soo dhigo barihiisa bulshada oo kor loogu qaadayo sumcadda Saudi Arabia.

▫️ Mushaarkiisa sanad kii waa €100 Milyan oo euro.

W; D: Ibraahim Qaran

Hadalsame Media