Sida uu Akshay Kumar markii hore ku waayey dhalashada Hindiya ee uu haatan dib u helay? + Xog dheeri ah

0

(New Delhi) 17 Agoosto 2023 – Jilaaga caanka ah ee filimada Bollywoodka – Akshay Kumar ayaa qaatay dhalashada dalka Hindiya. Waxaa uu bixiyay xog kooban oo ku saabsan dhalashada uu helay isagoo kula wadaagay dadweynaha sawirka dhalashada Hindiya bartiisa X’ ee horey u ahayd Twitter.

Akshay Kumar ayaa hore u haystay dhalashada dalka Canada. Dad badan oo isticmaala baraha bulshada ayaa su’aalo ka keenaya dhalashada Akshay Kumar. Dhawaan Akshay Kumar ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay inuu dalbaday dhalashada Hindiya oo uu faahfaahin dheeraad ah ka bixin doono.

Akshay Kumar ayaa sawirkan ku soo qoray, “Qalbiga iyo dhalashada labaduba waa Hindi, maalin Farxad leh”.

Taariikhda Akshay Kumar oo kooban

Akshay Kumar

XIGASHADA SAWIRKA,BBC

Akshay Kumar oo ay Soomaalidu u taqaan ‘Mastar Boon’ magaciisa saxda ah waa Rajiv Hari Om Bhatia, wuxuuna sannadkii 1967-kii ku dhashay magaalada Amritsar eee gobolka Punjab ee dalka Hindiya. Magaca Akshay Kumar kaliya waa magaciisa masraxa.

Akshay hooyadiis waxaa la yiraah Aruna Bhatia, aabihiisna Hari Om Bhatia wuxuuna Hari ahaa askari, wuxuuna jeclaan jiray ciyaarta lagdinta (masaaracada) halka Akshay kumar qudhiisu yaraantiisii xiiseyn jiray ciyaaraha sida kubadda cagta.

Wuxuu Akshay ku dhashay kuna barbaaray xaafadda qadiimka ah ee magaalada Delhi – Chandni Chowk ka hor inta uusan u guurin magaalada Mumbai ka dib markii uu aabihiis ka baxay ciidamada shaqana ka helay hay’adda Qaramada Midoobey ee UNICEF.

Waxbarashada dugsiga sare wuxuu ka qaatay dugsiga sare ee Don Bosco, isaga oo isla markaana ku dhex waday barashada ciyaarta dagaalka ee Karate.

Heerka kowaad ee jaamacadda wuxuu ka bilaabay kulliyadda Guru Nanak Khalsa, balse dhexda ayuu uga tagay maadaama uusan xiiseyn jirin wax barashada, wuxuuna aabihiis u sheegay in uu jecel yahay ciyaaraha dagaalka, saas darteed aabihiis ayaa u diray magaalada Bankok ee dalka Thailand. Wuxuu halkaas ku bartay feerka nooca Thailand oo isugu jiray feer iyo laadba.

Wuxuu halkaas ku noolaa shan sano oo uu soo bartay noocyada kala duwan ee ciyaarahan oo dabcan laga dheehan karo qaar badan oo ka mid ah filimaantiisa.

ka hor inta uusan ku biirin jilitaanka wuxuu ka soo shaqeeyey waxyaabo kala duwan sida; xafiiska tikidhada diyaaradaha laga jaro, makhaayad uu kabalyeeri iyo cunta kariyeba kasoo noqday, xayeysiinta dharka iyo in uu gadi jiray qalabka isqurxinta sida dahabka iyo macdanka dumarku xirtaan.

Ugu dambeyn Akshay Kumar oo yarantiisii sidoo kale muujiyey xiisaha uu u qabo dhanka jiliinka ayaa markiisii u horeysay kasoo muuqday shaashadda sannadkii 1987-kii markaas oo uu ka soo muuqday filin uu soo saaray Kuljeet Pal. Wuxuu ka qaatay filinka kaalinta tababare ciyaarta feerka ee Karate, taas oo dabcan loogu xushay taariikhdiisa aqooneed ee ciyaartan oo uu heer sare ka gaaray.

Halkaas waxaa Akshay uga bilaabmay taariikhdiisa jilliinka isaga oo afar sano uun ka dib jilay filinkiisii laga daba dhacay ee Khiladi sannadkii 1991.

Waxaa uu jilay in ka badan soddon filin, kiisii u dambeeyayna wuxuu ahaa OMG 2 oo soo baxay sannadkan.

Akshay Kumar mar uu la kulmay Raysal wasaaraha Dalkaas Narendra Modi
Akshay Kumar mar uu la kulmay Raysal wasaaraha Dalkaas Narendra Modi

Siduu ku waayey dhalashada Hindiya?

Akshay Kumar sida aan kor kusoo xusnay wuxuu ku dhashay gudaha dalka Hindiya waxayna taasi si dabiici ah ka dhigaysaa muwaadin Hindi ah. Haddaba siduu ku waayey dhalashada Hindiya?

Sannadkii 2011 ayey dowladda Canada Akshay siisay dhalashada amaba baasaboorka dalkaas, iyaga oo rajaynaya in xiddiggani ka caawin doono xiriir fiican oo dhanka ganacsiga iyo diblomaasiyadda ah oo Canada ay la yeelato Hindiya. Balse sharciga dalka Hindiya ma ogola muwaadinnimada dal kale ama haysashada aqoonsi aan ahayn kan Hidiya. Sidaas darteed ayuu Akshay ku waayey muwaadinnimada Hindiya.

Siduu mar kale ku noqday Hindi?

Akshay Kumar

Akshay Kumar

Atoorahan ayaa markii uu qaatay baasaboorka Canada wuxuu shacabka dalkiisa kala kulmay dhaleecayn iyo eedaymo ay ku sheegayaan in uusan jeclayn dalkiisa hooyo. Akshay Kumar ayaa mar sii horeysay sheegay inuu niyad jab dareemay markii dadku ay su’aal ka keeneen “jaceylka uu u qabo dalka”.

“Hindiya wax walba ayay ii tahay… Wax kasta oo aan kasbaday, heer kasta oo aan gaaray waa Hindiya. Waxaana nasiib u yeeshay inaan fursad u helo inaan dib wax ugu celiyo dalka. Waxaad dareemeysaa xumaan marka dadku ay wax ku hadlaan iyagoon waxba ogeyn” Mastar Boon ayaa ku yiri wareysi uu siiyay kanaalka wararka ee Aajtak.

Waxa uu dib u codsaday dhalashada Hindiya sannadkii 2019, si kastaba ha ahaatee, geeddi-socodka ayaa dib u dhacay sababtoo ah masiibadii COVID-19.

Dhalashada Canada ee Akshay Kumar ayaa noqotay mowduuc laga doodo ka dib wareysi uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Narendra Modi.

“Weligay kuma fikirin in baasaboorkan la iga beddelo, laakiin hadda haa, waxaan dalbaday in baasaboorka la ii beddelo, mar haddii aan sharcigii la igaga tanaasulay aan ka helay Canada” ayuu yiri.

BBC

Hadalsame Media