Soomaliland xaggee u socotaa? Isgoys 3 jid leh oo kala halis badan oo horyaalla

0

(Hadalsame) 13 Agoosto 2023 – Soomaalilaand xaggee u socotaa maanta? Fikir aad qabto iyo meel aad joogtaba mid ogow oo Soomaalilaand maanta wax ay maraysaa isgoys taariikhi ah.

Nidaamka hadda jira oo ay hormuud ka yihiin qalfoofyada ka sii nool waxii beri loo aqoon jiray Calancas wax ay beri fog ku riyoodeen in ay Soomaalilaand ka dhigaan maamul jabhadeed oo la jaad ah ta Afwerki ee Erateriya iyo tii TPLF ee Itoobbiya. Sidaas bay ahayd weligeed xanta taalla marfashyada ay Calancastu ku qayisho.

Xukuumaddii Cabdiraxmaan-Tuur oo ay qaarkood xilal sare ka hayeen bay u dhuljiifeeyeen ilaa la is wada laayay oo shir beeleedkii Boorama la is la tagay. Cigaal oo ay maamulkiisa ka tirsanaayeen bay dagaal sokeeye geliyeen si ay u fashiliyaan oo talada u ga la wareegaan, isaga ayaa se ka adkaaday oo xukunkiisii ka safeeyay, Garxajiskiina la heshiiyay.

Siilaanyo oo ay SNM ku beerlaxawsanayeen maamulkiisii geed dheer buu is ka ga xidhay oo xil wuu ka dhaariyay, laakiin aakhirkii iyaga oo jiman iyo cafaariid adeegsanaya xukunkii si inqilaab ah oo doorasho la gu hadoodilay bay u la wareegeen. Qof walba oo ka faallooday sharci darrada ay dalka ku qabsadeen waa kuwii colaadiyay ee ugaadhsaday (tusaale ahaan warbixintii dabagalka ahayd ee Cabdirisaaq-Terra).

Daqiiqaddaas bay u middiyo listeen in ay talada dalka u rogaan nadaam jabhadeed oo kelitalis ah. Markaas bay bilaabeen in ay dimuqraadiyaddii iyo sharcigii boolbool u furaan oo fowdo dalka ka abuuraan. Waa taa xaaladda aynnu maanta ku jirnaa.

Waa taa meesha ay umaddu ka afgaran la’dahay. In arrinkooda sidaa loo wada arki waayo waxaa keenaysa qabyaaladda ay dadkii ku indho tireen ee dadkii madaxa isu wada geliyeen. Waa halka ay ku cayishay doqonnimada ah reer hebel baa wax idinka doonaya iyo reer hebel baa wax idiin diidaya.

Maantana qof walowba mid yaqiinso. Isgoys saddex jiho leh ayay taagan tahay Soomaalilaand:

1. In budhcaddu ka adkaato kacdoonka isbeddeldoonka bulshada ee iyada oo aan cidi abaabulin waqtigu dhalay, haddii ay ka adkaadaanna burburka iyo dambaska ka dhex samaystaan dawladda jabhadda ah ee ay ku riyoonayaan, taas oo wiilashoodu ka dhaxlayaan.

2. In Soomaalilaand dagaalkan ku burburto reeruhuna ka la yaacaan, dabadeed ciidamo nabad ilaalin ah dunidu keento, taas oo si dabiici ah u ga takhallusaysa qadiyaddii Soomaalilaand-nimada oo talada Muqdisho gacanta u gelinaysa.

3. In dadka Soomaalilaand oo midaysani dagaal iyo nabad mid uun ka ga adkaadaan budhcaddan sheyddaaniga ah, dalkana la gu soo dabbaalo hannaankii heshiiska la gu ahaa ee dimuqraadiyadda, dastuurka iyo doorashooyinka.

Saddexdaa waddo labada dambeba aad bay suuragal u yihiin laakiin ta kowaad waa mustaxiil, waayo wax ay ka soo horjeeddaa dabciga qabiileed ee soomaalida.

W; Q: Ibraahim Hawd

FG: Qoraal walba wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku xusan oo qura

Hadalsame Media