Qiso naxdin hore & farxad dambe xambaarsan oo dad badan soo jiidatey (Sawirkani wuxuu sidaa sheeko culus)

0

(Hadalsame) 13 Agoosto 2023 – Sannadkii 1968-kii, sawirkani wuxuu helay abaalmarinta Pulitzer-ka ee sawirka ugu fiican ee Maraykanka, kaasoo lagu abaalmariyo guulaha muusikada, shineemada, masraxa iyo saxaafadda.

Sawirku wuxuu muujinayaa laba koronto yaqaan, Randall Champion iyo Jay Thompson, oo ka laadlaada tiirka korontada.

Maalintaas waxaa dhacayey kulayl xoog leh, wax dhibaato ahina ma jirin. Guuxii qaboojiyeyaasha bishii Luulyo 1967-kii ayaa laga maqlayey guryaha gobolka Florida oo dhan.

Sababtaa darteed, waxaa fiilooyinka ama xarkaha baallayaasha magaalada Jacksonville ku qulqulayey koronto xad-dhaaf ah, taasina waxay keentay koronto ka badan xadkii caadiga ahaa.

Randall iyo Jay waxay samaynayeen dayactirkii joogtada ahaa ee korontada markii Randall uu si lama filaan ah u taabtay mid ka mid ah fiilooyinka nool oo siddey 4000 V oo dab ah oo mar qura dhexmartay wadnihiisa iyo jirkiisa. Waxaa markiiba xarkihii uu ku xirnaa kasoo laadlaadsaday Randall oo aan nuuxsi lahayn.

Laakiin saaxiibkii Jay iskuma dhex yaacin, isagoo garowsiisnaa in ilbiriqsi kastaa uu qaali yahay, wuxuu bilaabay inuu neef macmal ah afka ka siiyo.

Aad bay u dhib badnayd, laakiin ma jirin waddo kale oo aan middaa ahayn. Xaaladdan oo kale, way adag tahay in la sameeyo dib u soo kicinta wadnaha maadaama uu qofku laallaado, laakiin Jay ayaa weli sii wadey howshiisa ilaa uu ka caawiyo in wadnaha saaxiibkiis uu ka yeesho garaac daciif ah.

Only after that he unhooked his partner’s insurance and, throwing him over his shoulder, went down to the ground. By the time the rescuers arrived (they were called by professional photographer Rocco Morabito, who happened to be at the scene), Champion was already conscious on the ground.

Markaa kaddib ayuu xarigga ka furay saaxiibkii. Markiibana waxaa yimid howlwadeenkii caafimaadka.

Waxaa sidoo kale meesha joogey sawir qaade xirfadle ah oo la yiraahdo Rocco Morabito, waxaana uu qaaday sawirkan.

Badbaadadaa Thompson darteed, Randall wuxuu ku noolaa 35 sano oo kale.  Waxa uu dhintay 2003-dii isaga oo 64 jir ahaa.
Thompson weli waa nool yahay maanta.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media