”Waa inaan weerarnaa xeryaha NATO” – Ruushka oo carrabka ku dhuftay dalal ay UK & Jarmanku ka mid yihiin oo ay weerari karaan (Daawo)

0

(Moscow) 10 Agoosto 2023 – Dhowr hindise dagaal ayaa si wayn loogaga hadlay talefishinka Dowladda Ruushka kuwaasoo ku saabcan dagaal ka socda Ukraine. Daadihiyaha barnaamijka Vladimir Solovyov ayaa dooddiisa TV-ga  Russia-1 ku bilaabay:

”Waxaan leenahay argixisada waa in argagixisada lagula dagaallamaa meel kasta oo ay joogaan, sharciga caalamiga ah ayaana ogolaanaya. Isla judhii ay Maraykanka saldhig argagixiso meel ku arkaan, muhim uma aha dalkee markiiba waxay u diraan wixii duulaya waa qarxiyaan waana burburiyaan,” ayuu yiri Solovyov.

Solovyov oo warkiisa sii wata ayaa soo jeediyey in Ruushkuna uu tillaabo ka qaado xeryaha lagu tababaro Ciidamada Ukraine oo uu argagixiso ku tilmaamay ee ku kala sugan dhowr dal oo uu si cad u magacaabay.

”Waxaan hadda u jeednaa in Ciidamada Ukraine ee ”argagixisada ah” loo qaadayo tababar. Waxaa xitaa si furan nalookugu sheegay in 2,000 oo askari lagu tababarayo UK, si ay weerar argagixiso ugu qaadaan Crimea,” ayuu raaciyey.

”Waxaa si daacad ah nalookugu sheegay in Naasiyiinta Ukraine lagu tababarayo Jarmanka. Waxaa naloo sheegay inay joogaan Poland iyo meelo kale. Maxaa u weerari la’nahay xeryaha lagu tababarayo haddii aan leennahay waa dowlad argagixiso ah?” ayuu is waydiiyey isagoo xusay inaysan ahayn inay dan ka galaan meesha ay ”argagagixisadaasi joogto.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media