Musharrixii ugu cad caddaa doorashada Ecuador oo la khaarajiyey (Muuqaalka markii la tooganayey oo aan helnay)

0

(Quito) 10 Agoosto 2023 – Musharraxii ugu cad caddaa xilka madaxtinnimada Ecuador, Fernando Villavicencio, ayaa la toogtay oo la diley intii ay socotay munaasabad olole oo ka dhacday Quito Arbacadii shalay, iyadoo saraakiishu ay soo jeedinayaan inuu dilkiisu ahaa “dembi abaabulan”.

Toogashadan khaarajinta ah ayaa dhacday xilli uu siyaasiga 59-jirka ahaa uu isku diyaarinayay inuu ka baxo isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacayay caasimadda Ecuador, iyadoo la taliyihiisa ololaha Carlos Figueroa uu u xaqiijiyay geeridiisa warbaahinta gudaha, isagoo xusay in saddex xabbadood madaxa lagaga toogtey.

Madaxwayne Guillermo Lasso ayaa toogashada kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay baraha bulshada, wuxuuna sheegay inuu aad uga caroodey oo uu ka naxay dilka musharraxii madaxwaynenimada ee Fernando Villavicencio.

Waxa uu intaa ku daray in “dembiyada abaabulani ay aad u fogaadeen oo faraha ka bexeen,” isagoo uu sheegay in dilkan la xallin doono.

Sida laga soo xigtey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ecuador, qof aan la magacaabin oo looga shakisan yahay toogashada ayaa la xirey, laakiin markii dambe ayuu u dhintay dhaawacyo soo gaarey intii lagu guda jiray “rasaastii ay ku rideen” ciidamada amnaanku.

Muuqaal ku faafay baraha bulshada ayaa muujinaya musharraxa oo rasaasta lagu bilaabayo jeer uu sii gelayey gaarigiisa.

Halkan hoose ka DAAWO…..

Hadalsame Media