Wararkii ugu dambeeyey Deg. Ceelbuur & Ciidan Muqdisho ka baxay + Ismari waa halkaa ka socda

0

(Ceelbuur) 09 Agoosto 2023 – Wararka naga soo gaaraya magaalada Ceelbuur ayaa sheegaya in xaalad adag oo cabsi lihi ay iminka ka taagan tahay magaaladaasi, kaddib dhowr arrimo oo hawada ku jira.

Ciidamo iyo xoogag degaanka ee lagu diyaariyay magaalada Dhuusamareeb iyo hareeraheeda ayaa la sheegaya in maalmaha soo aaddan ay ku wajahan yihiin magaalooyin ay ka mid yihiin degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Maleeshiyada Al-Shabaab ee halkaa ku sugan ayaa la sheegayaa inay dadka maxalliga ah ku cadaadinayaan inay ciidamo soo dumaan oo dagaalka dhinac ka galaan si ay iskaga caabbiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ah ee kusoo fooggan, iyagoo Isniintii la kulmay waxgaradka degaanka oo ay ka dalbadeen inay keenaan dhallinyaro xoog leh oo magaalada ”ka difaaca cadowga”, sida ay warka u sheegeen.

Yeelkeede, waxgaradka degaanka ayaa la sheegayaa inay horjoogayaasha Shabaab u sheegeen inaanay suurtagal u ahayn in dhallinyaro aan tababar lahayn laga horgeeyo kuwa DF iyo dadka degaanka ee la socda.

Hase yeeshee, horjoogayaasha Shabaabka ayaa adeegsaday xeelado ay waxgaradkaasi ku baqdingeliyeen, iyagoo u sheegay in haddii aanay kala shaqayn difaaca magaalada ay u arki doonaan kuwo la safan colka kusoo fool leh magaalada.

DIYAARADO HAWADA KU JIRA – Dhanka kale, dadka MAXALLIGA AH ee reer Ceelbuur iyo degaannada hoos taga ayaa oo sheegaya in guuxa diyaaradaha dagaalka halkaa laga maqlayo tan iyo shalaytoole.

CIIDAN KALE – Ciidan kale oo reer Ceelbuur ah oo loogu talagalay in ay ka qaybqaataan howlgalka DIB logu qabanayo Ceelbuur iyo Galhareeri ayaa la sheegay inay iyaguna Isniintii ka ambabaxeen magaalada Muqdisho, si ay ugu biiraan ciidanka lagu dumayo Dhuusamareeb.

Arrintan ayaa culays hor leh ku noqonaysa Shabaabka oo ay Ceelbuur u ahayd saldhigga ugu wayn Gobollada Dhexe, tiiyoo horay looga qabsaday magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug oo ay ka saareen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug ayaa 16-kii bishii Janaayo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale, ayaa isna xusay in si wayn loogu diyaargaroobey howlgalka millateri ee kooxdan looga sifaynayo Ceelbuur iyo degaannada kale.

Hadalsame Media