Ciidamo cusub oo DANAB ah oo kuruudka kasoo baxay & Tiradii ugu badnayd oo ay gaareen + Sawirro

0

(Muqdisho) 09 Agoosto 2023 – 342 Askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guuto Eventeri ah oo Danab ka tirsan ayaa loosoo gebagebeeyey barnaamij tababar ciidan oo aasaasi ah oo deg deg ah oo Soomaaliya uga socdey.

Xafladda qalinjabinta oo lagu qabtay xaruntooda oo ah Garoonka Diyaaradaha ee Balidoogle, ayaa waxaa ka soo qaybgalay dowladda Maraykanka. Sii-hayaha Safaaradooda Soomaaliya Shane Dixon, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin Caddow.

“Adinka iyo ciidamada kale ee Soomaaliyeed, waxaad dhisi doontaan mustaqbalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo amnigu,” ayuu yiri Dixon. “Maraykanku waa uu idinkula midaysan yahay dadaalkan, waan sii wadi doonnaa taageerada aan idin siinayno si aad nabad iyo barwaaqo ugu heshaan shacabka Soomaaliyeed.” ayuu raaciyey.

Askartan cusub ayaa ku biiraysa in ka badan 1,700 oo askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ee uu Maraykanku tababaray, kuwaasoo 12-kii bilood ee lasoo dhaafay door hoggaamineed ka qaatay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo xoreeynta in ka badan 100 magaalo iyo tuulooyin ku yaalla gobollada dhexe ee Soomaaliya oo ay Shabaabku ku hayeen xoog iyo baad.

1,700 oo askari waa tiradii ugu badnayd ee ay mar qura gaaraan Ciidanka Danab.

Dhinaca kale Axaddii, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay in la bilaabayo wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdey dalka.

Hadalsame Media