Shirka BRICS oo ay ka qaybgelayaan in ka badan 30 hoggaamiye (Dalkee uga jira Geeska Afrika?)

0

(Göteborg) 09 Agoosto 2023 – Wasiirka xiriirka caalamiga ah ee dalka Koonfur Afrika, Naledi Pandor, ayaa warbaahinta oo ay la hadashay u sheegtay in 34 dal ay xaqiijiyeen inay ka qaybgelayaan shir madaxeedka 15-aad ee BRICS, kaasi oo ka dhacaya magaalada Johannesburg 22-ka ilaa 24-ka bishan Agoosto.

Ajendaha shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa ballaarinta xubinnimada ururka iyo horumarinta lacag ay yeeshaan dalalka BRICS si loola dagaallamo awoodda doollarka Maraykanka, ayay ku dartay wasiiraddu.

Shacbiyadda baahsan ee BRICS oo ah urur hormuud ka ah danaha koonfurta caalamka ayaa soo jiitey waddamo badan oo codsaday xubinnimadiisa, Pandor waxay xustay, in awoodda dhaqaale ee wadajirka ah ee ururkani ay noqon karto ”mid horseedda soo kabashada dhaqaalaha caalamiga ah.”

Wasiirka ayaa xaqiijisay in ururka BRICS uu ka helay codsiyada xubinnimada in ka badan 20 dowladood oo ay ku jiraan Algeria, Argentina, Bangladesh, Cuba, Masar, Ethiopia, Indonesia, Morocco, Nigeria, Falastiin, Sacuudiga, Senegal, iyo Imaaraadka Carabta.

Iran, oo uu muddo dheer cunaqabatayn saaray Maraykanku, ayaa sidoo kale si rasmi ah u codsatay inay ku biirto ururkan oo haatan ka kooban shan waddan.

Hadalsame Media