Ruushka oo dhisaya xaafado “African village” ah & ”Afrikaanka” la doonayo inay degaan

0

(Moscow) 09 Agoosto 2023 – Meel miyi ah oo qiyaastii kala barta magaalooyinka ugu waawayn Ruushka ee Moscow iyo St. Petersburg ayaa loo doortay inay noqoto meesha laga dhisayo “tuulada Afrika,” ama “African village,” sida uu sheegay Kongreeska Caalamiga ah ee Afrika ee Ruushka.

Mashruucan ayaa qayb ka ah barnaamij tijaabo ah oo socon doona 5 sano kaasoo halkaa lagu dejinayo kumannaan muhaajiriin ah oo ka yimid Koonfur Afrika.

Diblomaasiyiin Afrikaan ah ayaa ku biiray wakiillada AIC iyo mas’uuliyiinta maxalliga ah ee gobolka Tver usbuucii hore xaflad lagu soo bandhigayey dhagax-dhigga astaanta u ah tuuladan, oo lagu wado in laga dhiso meel u dhow tuulada Porechye.

“Waxaan qorshaynaynaa inaan Ruushka ka sameyno 30 degaan oo loogu talagalay Afrikaanka doonaya inay soo haajiraan,” ayuu yiri madaxa Jaamacadda Caalamiga ah ee Eurasian (EIU) iyo wakiilka guud ee AIC ee Ruushka, Konstantin Klimenko.

“Kuwaasi waa Boers, oo ah beeraley asal ahaan kasoo jeeda Yurub, oo ay awoowayaashood degeen Afrika sanado badan kahor,” ayuu sharraxay Klimenko. “Qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaa hadda u beddelanaya mad’habta Ortodokska waxayna u guureen Ruushka, iyadoo ay soo jiitaan hab nololeedkeenna akhlaaqi iyo ruuxi ahaan, ee leh qiyamka qoyska iyo dhaqanka.” ayuu raacshey

Afrovillage waa qayb ka mid ah mashruucan tijaabada ah ee hadda ka socda gobollada Moscow iyo Tver, iyada oo ujeedadu tahay in la dejiyo ilaa 3,000 oo qoys oo Boer ah. Haddii lagu guulaysto, AIC iyo jaalkooda ayaa qorshaynaya inay mashruucaa ku ballaariyaan gobollada kale ee Ruushka.

Hadalsame Media