Muxuu muujinayaa hadalka laga sheegayo RW Itoobiya ee ah inuu ”xoog deked uga qaadanayo” dalalka deriska ah (Maxaa sii horreeyey?)

0

(Addis Ababa) 26 Luulyo 2023 – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay in Dowladda Itoobiya ay sahminayso dhammaan fursadaha lagu heli karo deked uu dalkaasi yeesho, sida wada xaajood ku dhisan “bixin iyo qaadashada” iyo xitaa xoog, sida uu qoray web yar oo la yiraahdo Addisinsight.

Kulan uu la yeeshay maalgashadayaasha iyo ganacsatada dalkaasi Khamiistii tagtay, Abiy ayaa sheegay in kharashka ku baxaya dekedaha ay Itoobiya wax kala soo degto iminka uu yahay mid aan la sii wadi karin, islamarkaana ay khasab tahay in waddanku yeesho deked u gaar ah si loo yareeyo ku tiirsanaanta waddamada deriska ah, sida warbixinta loo dhigay.

The Prime Minister said that the government has already started negotiations with Eritrea, Djibouti, and Somaliland to secure port access. In the case of Eritrea, the government has proposed to give 30% of Ethiopian Airlines to the Eritrean government in exchange for port access.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in xukuumaddu ay hore u bilowday wadahadallo ay la yeelanayso dalalka Eritrea, Jabuuti, iyo Maamulka Somaliland si loo helo marin dekedeed.

Dhanka Eritrea, dowladdu waxay xitaa soo jeedisey inay saami dhan 30% ka qaataan diyaaradda Itoobiya ee Ethiopian Airlines si dalkaasi looga helo deked.

Abiy ayaa sidoo kale sheegay in Dowladdu ay ka fiirsanayso in awood loo adeegsado helidda dekedda, balse taasi ay noqon doonto tillaabadii ugu dambaysey.

“Waxaan rabnaa inaan dekedda ku helno hab nabadeed, laakiin haddii ay taasi fashilanto, waxaan adeegsan doonnaa xoog.” ayuu yiri Abiy ayuu qorayaa wargaysku.

Si kastaba, lama hubo inuu warkani dhab ahaan yahay mid loo yiri sida loo qorayo maadaama aanay jirin faafin rasmi ah webkanina uu yahay mid aad u yar oo ay yeelan karaan dad ku xumaynaya RW Abiy, balse waxaan meesha marna laga saari karin damaca istaraatijiga ah ee Itoobiya ee qarniyada soo jirey iyo kala daadsanaanta iyo tafaraaruqa Soomaalida maanta.

Ma dhici kartaa in Itoobiya ay markale hunguriyayso Saylac (Fursad la lumiyey 1946-kii)

Qorshaha Itoobiya ee qosol ku qalashada Somalia (Arag xeesha lagula dhaqmayo DF & Somaliland)

Ujeedka Itoobiya & aqli xumada Soomaalida (Danta ku hoos jirta wefdiga uu Abiy Ahmed Hargaysa u diray)

Sidoo kale, dalalka deriska ah ee uu Abiy sheegayo ma noqon karaan kuwa nidaamsan sida Kenya, Eritrea iyo xitaa Jabuuti, sidaa darteed, waa uun Somalia oo maanta 15 qaybood u kala qalan.

Hadalsame Media