Qorshaha Itoobiya ee qosol ku qalashada Somalia (Arag xeesha lagula dhaqmayo DF & Somaliland)

0

(Hadalsame) 09 Juun 2020 – MW Somaliland ee Muuse Biixi ayaa beri dhowayd xarigga ka jaray 12 km oo laga dhisay jidka Berbera Corridor, kaasoo uu dalka bad xiranka ah ee Ethiopia doonayo inay usoo marto badeecada uga soo degeysa Dekedda Berbera.

Waxaa jidkan maalgelinaya hay’adda Imaaraatiga ah ee Abu Dhabi Fund for Development, waxaana guud ahaan ku baxaysa US$442 milyan oo doollar isaga iyo ballaarinta Dekedda Berbera oo ay gacanta ku hayso DP World, oo ah hay’ad kale oo hoos tagta Dowladda Imaaraadka.

Dhinac ahaan haddii uu qorshahani hirgalo waxay Somaliland a heleeysaa muhiimad cusub oo istaraatiji ah, mujtamac badan oo shaqo ka hela iyo dabcan malaayiin lacag ah, balse midda loo socdo oo ah inay hesho aqoonsi caalami ah ayaa u muuqata mid aan ka dhowayn dhanka Itoobiya oo sabab iyada u dan ah (ma aha Soomaalida) taa u diiddan.

Sababtaasi waa iska caddahay oo waa Itoobiya oo ah dalkii 1-aad ee u ololeeyey in xuduudaha Afrika loo daayo sidii uu gumaystuhu uga tegey waana qodob ka mid ah qawaacidda lagu dhisay Midowga Afrika oo ay marti geliso, taasoo ay dabcan dabcan dan istaraatiji ihi ugu jirto, maadaama loo sad buriyey sidaa darteed waa qaran qobtol ah.

QORSHAHA HA DHIMAN-NOOLAANTA AH EE ITOOBIYA

Ujeeddo kale oo ay Itoobiya goows-dambeedka ku haysan kartaa waa in Somaliland oo dhiliq ah oo aan daab lahayn ay iyada uga caano badan tahay, Somaliland dal noqotay oo aan lagu xad-gudbi karin ama Somaliland ah gobol ka tirsan Somalia oo isna dal madax bannaan.

Waxaa taa kusii hoos jirta istaraatijiyad ay Amxaaradu muddo dejinaysey dunidana ka iibinaysey oo ah ”Soomaalidu waa umiyiin aan is xukumi karin, asal ahaanna aniga iga soo farcamay”, marka waxay isu sawirtaa inay tahay cidda xaqa u leh inay iyadu Soomaalida oo idil xukunto, waa aragti gumaysi oo soo dhowaanaysa mar kasta oo uu iska sii taagnaado khilaafka heerka hoose ah ee Soomaalidu.

CIYAAR LALA DHEELAYO DF SOMALIA

Laba sanadood kahor markii ay Somaliland 19% ka tirsan dekedda Berbera ay farta ka saartay Ethiopia, MW Somalia ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa isaga oo aan cid gaara magacaabin wuxuu u digey dalal iyo sharikaad uu sheegay inay ”khadka cas” usoo dhaafeen madax bannaanida Somalia.

Deeto RW Ethiopia, Abiy Ahmed Ali, ayaa muddo kaddib wuxuu si af kala bax ah u sheegay inuu ixtiraamayo madax bannaanida Somalia, yeelkeede, marna kama bixin mashruuca Dekedda Berbera, waloow mar la sheegay inay Itoobiya iska celisey saamigii la siiyey, howshu waa socotaa.

Waayo, Berbera Coridor wuxuu muhiimad istaraatiji ah oo ka badan midka Somaliland uu u leeyahay Ethiopia, maadaama ay doonayaan wax ay ku xuuxiyaan Djibouti iyo Eritrea oo aanu weli xaalkeedu bislayn. Sidoo kale, Somaliland waxay dahaar amaan u tahay Itoobiya.

Arrin kale oo qosol badani waxay tahay in DF Somalia iyo Maamulka Somaliland uu dhex fariisto oo wada hadashiiyo Abiy Ahmed oo gows-dambeedka ku haysta istaraatijiyadda Itoobiya oo markasta il cadaawe ku eegaysa baddan dhererka badan ee ay iska haystaan umaddan dhug la’aanta ah oo inay dheefsadaan oo ku noolaadaan ka door biday 60 sano oo muran feera beela ah.

Sidee Itoobiya oo arkaysa fursad dahabi ah oo istaraatiji ah ay u ogolaanaysaa inay kaliya dhexdhexaadiso Somalia oo ay kaddibna iska tagto? Maxay taa ku bedelanaysaa? Ma jirtaa Soomaali u taagan inay cadkeeda xajisato? May, waa midda ay iyadu u kala dab qaadayso. Yaah!

Haddii la jejebiyo sheekada, Itoobiya waxay doonaysaa inay daaliso oo kala disho Soomaalida, iyada oo mid kasta gaar ugu qoslaysa, ma doonayso inay ka xanaajiso DF Somalia oo haysata sharciyad caalami ah, si aan loogu arag horor dafaa ah, mana doonayso inay ka caraysiiso Somaliland oo ay fursado badan oo sahlan uga jeeddo, kuwaasoo dan u ah Itoobiya in ka badan Somaliland.

Sidaa darteed, waa maalaysaa inta ay Soomaalidu qaabkan ugu irmaan tahay, iyada oo isku dayaysa inay wada lahaato Maandeeq oo iyada oo aan qofba u qoslin kaligeed maasho, haddii aan la helin qowsaar ka qabsada.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media