XOG CUSUB: Somalia oo markale lagu sheegay inay ka mid tahay dalalka ”adeegsada” daroonka caanka ah ee Turkiga

0

(Hadalsame) 23 Luulyo 2023 – Al Monitor ayaa warbixin dheer ka qoray mowduuc ku saabsan daroonnada Turkiga iyo dalalka lagu isticmaalo ama isticmaala.

Wuxuu warbixinta ku xusay Somalia oo marar kala duwan la sheegay in la siiyey daroonka Bayraktar wuxuuna ku bilaabay sidan:

Booqashadiisa Khaliijka ee todobaadkan, Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa hantay wax lagu tilmaamay heshiiskii ugu waynaa ee dhanka difaaca ee taariikhda dalkiisa.

Madaxwaynuhu wuxuu si ba’an u doonayey inuu maalgashi shisheeye oo badan u helo dalkiisa, dhaqaale xumo iyo sicir-bararka cirka isku shareeray ee dalkaa ragaadinaya dartood.

Laakiin markii Erdogan uu booqday Sacuudi Carabiya Talaadadii, Baykar, oo ah shirkad samaysa agabka difaaca oo uu fadhigeedu yahay Istanbul oo ay leeyihiin qoyska wiilka ugu yar ee uu Madaxwaynuhu soddogga u yahay, ayaa ku dhawaaqday inay iibin doonaan tiro aan la cayimin oo ah Bayaraktar Akinci oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn ee mudada dheer hawada ku jiri kara (HALE).

Tan iyo markii Turkigu uu bilaabay iibinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Baykar sanadkii 2019-kii, hubkan ayaa loo adeegsaday goobaha dagaal ee aduunka oo dhan, sida Ukraine, Nagorno-Karabakh, Libya, Syria, Iraq, Ethiopia iyo Somalia.

Halkan kasii aqri…

Hadalsame Media