Ronaldo oo aad uga caroodey arrin uu ku sameeyey laacibka Di Maria (Daawo)

0

(Hadalsame) 23 Luulyo 2023 – Xiddiga Al-Nassr ee Cristiano Ronaldo ayaa muujiyey in aanu kaftan ka yeelayn Angel Di Maria isaga oo si caro leh uga jawaabay farsamo qurux badan oo uu ku sameeyay xiddiga reer Argentina.

Cristiano Ronaldo oo Al Nassr u safta ayaa kooxda Benfica kulan saaxiibtinimo la ciyaaray kaasoo qayb ka ah isku diyaarinta xilli ciyaareedka horyaalka Saudi Pro League iyagoo safar ku tegey Portugal.

Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 4-1 oo ay guushu ku raacday Benfica, taasoo ah guuldarro kale oo culus oo soo gaartey Al Nassr, kaddib markii ay sidoo kale 5-0 kaga badisay Celta Vigo.

Si kastaba ha ahaatee, xiisaha ciyaarta ayaa waxaa cusbeeyey xirfad aad u qurux badan oo uu sameeyey Angel Di Maria.

Angel Di Maria ayaa kubbada hawada kasoo koontaroolay isaga oo si qurux badan u dejiyey, markii uu Ronaldo soo dhowaaday ayuu xiddiga Argentina kubbada madaxa kaga dul qaaday.

Yeelkeede, Ronie oo aan arrintaa jeclaysan ayaa faawal caraysan ku abaal mariyey Di Maria oo loo dhigay laad xor ah.

Labada laacib ayaa isla joogi jirey Real Madrid.

 

Hadalsame Media