Talo muhim ah oo ku socota shirka maanta ka furmaya magaalada Muqdisho

0

(Ankara) 12 Luulyo 2023 – TALO KOOBAN & SHIRKA MAANTA FURMAYA.

Madaxwaynaha waxaan kula talinayaa in shirka lagu wado inuu birito furmo uu dhankiisa ay ka muuqato in talada lala leeyahay si dabacsana uu ku qaabilo Odayaasha, marwalbana waa inuu ku dedaalo in fadhigaa war Wanaagsan ka soo baxo.

Si uu doorkaas u ciyaarana waa inuu Odayaasha uu casuumay si fiican ula garamo una dhegeysto aragtidooda, dabadeedna uu tanasul badan dhankiisa ka muujiyo goobta markasta oo arin leysku qabto.

Sidoo kale waa in uusan madaxweynuhu ku degdegin in go’aamo kale oo masiiriya oo hor leh laga soo saaro shirka, iyadoo aan laga talagelin Xubnihii Madasha Qaranka ee horey wax uga soo saaray qodobada leysku hayo qaarkood,

Sababta aan sidaas u leeyahayna waa, dalku inuusan xiligaan xamili karin Xasarad Siyaasadeed loona baahan yahay in waxkasta oo hada jira la xaliyo, si loo helo jawi xasiloon oo DFS ku qabato howlaha culus ee horyaalla sida qeybta 2aad ee dagaalka Argagixisada.

Ugu dambayn, waxaan rajeynayaa in shirkaas war wanaagsan ka soo duuli doono iinshallah.

W; Q: Cabdulqaadir Dulyar

Hadalsame Media