DARAASAD: Faa’iidooyinka caafimaad ee la ogaaday in laga helo biyaha Samsamka

0

(Hadalsame) 12 Luulyo 2023 – Ceelka Samsamku waxa uu ku yaallaa bariga Kacbada waxa uuna u jiraa 21 mitir oo keliya, taariikhda ay biyuhu ceelkan barakaysan ka soo maaxayeenna waxa ay soo taxnayd tan iyo waqtigii Nebigii Alle ee Ismaaciil ee uu dhalay Nebi Ibraahiim.

Taariikhda ceelka Samsam

“Biyahan la yirahdo Zamzamka ee dadka Cimrada ama Xajka aada ayagana soo cabaan dadkana u soo qaadaan ayaa waxay asalkoodii yihiin biyo barakaysan oo sida ay ku yimaadeen ay mucjiso tahay, oo waxay ka soo burqadeen meel cidlo ah oo biyo aan lahayn oo Nebi Ibraahiim geeyay xaaskiisii Haajara iyo wiil yar oo markaasi ay wadatay oo nebi Ismaaciil ah, markii ay ka dhammaadeen biyihii yaraa ee ay wadatay waa tii inta ay buurta fuushay oo kolba dhinac aadday iyadoo lacalla raadineyso inay qof aragto oo ay biyo ka hesho, laakiin markii ay waxba soo weyday oo soo laabatay ayaa waxay u timid wiilkii oo ay biyo ka ag burqanayaan markaas ayaa waxay tiri Zamzam oo macneheedu yahay ‘xasil oo ha I dhaafin’ ayadoo ka cabsaneyso in ishaan inta ay burqato ay horay u dhaafto, marka meesha ayay ku ceshaneysay,” ayuu yiri Sheekh CabdiXayi Sheekh Aadan oo BBC uga warramay qisada ceelka biyoodka Samsam.

“Nebigeena Muxammed NNKH waxa uu yiri: “Alle ha u raxmaado Ismaaciil hooyadii, haddii ay biyahaas iska deyn lahayd, waxa ay noqon lahaayeen il durdur ah, marka asalkoodii waa halkaas waa arrin baraka ay ku jirto oo nebi Ibraahim qoyskiisa Ilaahay ku karaameeyay ilaa haddana ceelkii waakaas oo biyo dhamaanaya ma aha.”

Faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo biyaha Samsam

Waa biyo ay ku jiraan xaddi badan oo macdan ay ka mid yihiin Sodium, calcium, magnesium iyo macdano kale.

Qoraalka sawirka, Waa biyo ay ku jiraan xaddi badan oo macdan ay ka mid yihiin Sodium, calcium, magnesium iyo macdano kale

Xanuunka Sokorowga

Falanqaynta Kiimikada ee Xarunta Cilmi-baarista Xajka ee Jaamacadda King Abdulaziz ayaa muujisay in biyaha Zamzam ay yihiin kuwo saafi ah, aan midab lahayn sidoo kale aan wax ur ah lahayn. Waxay leeyihiin dhadhan yar oo udgoon.

Waxa la ogaaday in biyaha Zamzam aanay lahayn wax jeermis ah. Daraasado caafimaad ayaa lagu sameeyay Jaamacadda Dammam – Sacuudi Carabiya, kuwaas oo lagu tijaabiyay in biyaha Samsamka ay u fiican yihiin dadka qabo xanuunka macaanka.

Muddo laba bilood ah ayaa maalin kasta waxaa koox qabta xanuunka macaanka ah la siinayay 1 litar oo biyaha Samsamka ah halka koox kalana la siinayay biyo caadi ah. Tijaabada ayaa ugu dambeyn muujisay in kooxdii la siinayay biyaha Samsamka oo keliya ay awood u yeesheen in xaddiga sokortooda uu hoos u dhaco halka kooxdii kale ee biyaha caadiga ah la siinayayna aysan waxba iska baddelin.

Qabatinka maandooriyaha

Waa biyo ay ku jiraan xaddi badan oo macdan ay ka mid yihiin Sodium, calcium, magnesium iyo macdano kale.

Ka dib markii la ogaaday in biyaha Zamzam ay ku jiraan xaddi badan oo ka mid ah macdanta lithium, calcium, magnesium, iyo zinc, ayaa la soo jeediyay in lagu daro biyaha Zamzam dawooyinka suurtagalka ah ee bukaanka qabatinka maandooriyaha, iyada oo cilmi baaris ay muujisay awoodda walxahan macdanta ah ay ku yareeyaan qabatinka dadka isticmaala daroogada.

Ka hortagga iyo daweynta kansarka ee biyaha Zamzam

Sababta suurtogalka ah ee ka hortagga iyo daweynta kansarka waa macdanta isku dhafka dabiiciga ah ee ku jirta biyaha Zamzam

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Sababta suurtogalka ah ee ka hortagga iyo daweynta kansarka waa macdanta isku dhafka dabiiciga ah ee ku jirta biyaha Zamzam

Biyaha Zamzam waxaa ku jira macdano badan, waxaana loo arkaa inay yihiin kuwo wax ku ool ah marka laga hadlayo ka hortagga xanuunka kansarka.

Cilmi baaris ay sameeysay xarunta cilmi baarista ee ResearchGate ayaa waxa ay baaritaan ku sameeyeen saameynt sunta cytotoxic ee wax-yeellada u geysata unugyada jirka ay biyaha Samsam ku yeelaan karaan.

Waxay baareen saamaynta sunta cytotoxic ee biyaha Zamzam ee kansarka sambabada ee bini’aadamka ee khadadka unugyada, waxayna la barbar dhigeen unuga fibro-blasts ee maqaarka aadanaha.

Daraasadu waxay muujisay in daaweynta loo isticmaalay biyaha Zamzam ay muujiyeen hoos u dhac ku yimid awoodda unugyada loo yaqaan A549, waxayna xaqiijiyeen waxtarka isticmaalka biyaha Zamzam ee daaweynta burooyinka kansarka ee sambabada.

Waxaa kale ay cilmibaareyaashu ku tijaabiyeen biyaha Samsam jiir qaba kansarka caloosha kaas oo maalinkasta muddo 30 maalmood ah la siinayay 500 mililitar oo biyaha Samsamka ah. Natiijada baaritaankooda ayaa waxay soo saartay in hoos u dhac dhanka culeyska ah ay ku timid burada kansarka ee jiirka caloosha kaga taalay.

Sababta suurtogalka ah ee ka hortagga iyo daweynta kansarka waa macdanta isku dhafka dabiiciga ah ee ku jirta biyaha Zamzam.

Biyaha Zamzam waxa ay ka kooban yihiin 34 qaybood oo kala duwan. Heerarka sodium (Na), calcium (Ca), chloride (Cl), iyo magnesium (Mg) ayaa ka sarreeya biyaha caadiga ah.

Cilmi baaristu waxay caddaysay macluumaad badan oo muhiim ah oo ku saabsan isku-dhafka kiimikada ee biyaha Zamzam, waxaana caddaatay inay jiraan faa’iidooyin badan oo ay leeyihiin cabbidda biyaha Zamzam marka loo eego biyaha caadiga ah ee qasabadaha.

Faa’iidooyinka biyaha Samsam ee uu sheegay Islaamka

Biyaha Samsam

Qoraalka sawirka, Cilmi baaristu waxay caddaysay macluumaad badan oo muhiim ah oo ku saabsan isku-dhafka kiimikada ee biyaha Zamzam, waxaana caddaatay inay jiraan faa’iidooyin badan oo ay leeyihiin cabbidda biyaha Zamzam marka loo eego biyaha caadiga ah ee qasabadaha.

Sheekh Cabdixayi oo ka hadlaya faa’iidaha biyaha Samsamka ayaa yiri: “Faa’iido inay leeyihiin ayaa waxaa daliil u ah muddada dheer ee ay jireen iyo in taariikhdaasi laga soo faa’iideystay iyo ayadoo la yiri biyaha Samsamka wixii loo cabo ayaa la helaa oo markaasi dadka caafimaad ayay u isticmaalaan, oo dad badan ayaa markii ay tageen xajka si fiican u cabay oo waxyaabo ay markii hore sheegan jireen oo xanuunno ah ka bogsooday ayaa la arkay, marka biyahan lama mid ah biyaha kale ee caadiga ah ee ilaha kale ka soo burqada, waa biyo munaasabaddaasna leh meesha ay ku yaallaana waa meel barakaysan oo kacbada agteeda ah marka faa’iidoonyinkaas ayay leeyihiin biyaha Samsamku, waa biyahaas oo Ilaahay halkaas uu dhigay oo dadka Muslimiinta ahna ay ka faa’iideystaan.”

Abdikadir Yussuf Ali

BBC 

Hadalsame Media