Qaaddigii gooyey go’aanka qaraar ee haragga laga siibey isagoo nool (Qiso dhab ah oo MUSUQ la xiriirta)

0

(Hadalsame) 06 Luulyo 2023 – Musuqu waa aafo qaran: Sawir gacmeedkan qarnigii 16aad la sameeyey wuxuu muujinayaa Qaadi la oran jirey Sisamnes oo musuqmaasuqiste ahaa noolana sanadku markuu ahaa 500.

Wuxuu xaakim u ahaa boqortooyadii Beershiya ee boqor Cambyses-kii 2aad. Waxaa lagu heley inuu laaluush qaatey kadibna uu xukun dhagareed ridey.

Natiijada kadhalatey waxey aheyd inuu boqorku amrey in isagoo nool maqaarka laga siibo ilaa uu ka nafbaxey.

Intaan xukunta maqaar siibista lagu ridin boqorku wuxuu weydiiyey qaadiga qofka uu doonayo in lagu bedelo, wuxuuna codsadey wiilkiisa Otanes in lagu bedelo xilkiisa.

Laakiin bqorku wuxuu amrey in maqaarkiisa kursiga uu qaadigu ku fadhiisanayo lagu sameeyo, si wiilkiisa iyo mid kastoo ka dambeeya markuu xukun ridayo u xusuusto kursiga uu ku fadhiyo inuu yahay maqaarka Qaadi musuq ahaa.

W; D: Mustafa X. Cabdinuur

Hadalsame Media